Muqdisho(ANN) Wafti uu Hogaaminayo Raysal Wasaaraha cusub ee dawlada Fadraalka  Somalia Maxamed Cabdilaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta buuqasho rasmiya ugu baxay Dalka Djibouti. Kadib markii uu casuumad rasmi ah ka helay Madaxweynaha  Ismaaciil Cumar Geelle. Waftiga

uu hogaaminayo Raysal Wasaare  Farmaajo ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Arimaha Debeda  Somalia Maxamed C/laahi Omaar, Wasiirka Maaliyada , Wasiir Dowlaha Xafiiska Raysal Wasaaraha iyo Saraakiil kale oo tirsan Xafiiska Raysal Wasaare Farmaajo.
Lama garnayo ujeedada safarka Raysal Wasaaare Farmaajo oo ah kii ugu horeeyay mudadii uu xilka Raysal wasaaraha hayay ee uu ku booqdo dal kale mudada uu qaadanayo iyo inay jiraan dalal  kale oo uu booqanayo wefdigoodu , balse waxa la filayaa inay Madaxweynaha Jamuuriyada Djibouti  Ismaaciil Cumar Geelle ka  wada hadli doonaan xaalada Soomaaliya iyo sidii ay Xukuumada Cusub ugu soo dabaali lahayd Xal u helida mashaakilaadka soomaaliya. Sidoo kale waxa suurta gal ah in kulamada lagu soo qaado khilaafka ka jira dhinaca xukuumadda ee u dhexeeya masuuliyiinta Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia.
Iyadoo Socdaalka Raysal  wasaaraha cusub ee Somalia ayaa kusoo beegmay xili ay soo baxayaan warar sheegaya inuu jiro khilaaf mar kale soo kala dhexgalay masuuliyiinta sare ee dawlada taagta daran ee Somalia.   khilaafkaa oo u dhexeeya  Madaxweyne  Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa la sheegay inuu soo baxay. Kadib markii uu Madaxweyne Shariif ogaaday qorshe iyo kulamo hoose oo uu guddoomiyaha Baarlamaanku ku sheegayo in mudada xukuumadda madaxweyne Shariif  ka hadhay mudo koobani, isla markaana  Gudoomiyaha Baarlamaanka uu waddo Qorshe uu Beesha Caalamka uu kaga dhaadhicinayo  in Madaxweyne Shiikh Shariif xilka  mudadiisu ku eg tahay 31 January,  2011, taas  oo ay ka hadhsan tahay wax ka yar  bil iyo labaatan cisho, waqtigaa  oo ku eeg markii  Shiikh Shariif lagu doortay Djibouti Sannadkii 2009.
Dhinaca kale  waxa jira warar sheegaya in  Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xiligan ay si weyn isu khilaafsan yihiin Madaxweyne Shariif, loo heysto lacag uu deyn ahaan u qaatay xilligii uu ahaa Wasiirka Maaliyadda dowladda KMG Soomaaliya.
Iyadoo  ganacsade u dhashay dalka Soodaan oo lagu magcaabo Saadiq Maxamed Axmed, dacwad ka dhan ah Shariif Xasan u gudbiyay masuuliyiinta dowladda KMG Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan wararka la xidhiidha arrimahaa Ganacsadaha  Soodaaniga ah ayaa  sheegay in Shariif Xasan uu ku leeyahay deyn lacageed gaadhaysa $ 8Milyan oo doolarka Mareykanka ah, taasoo uu amaahiyey xilligii uu wasiirka Maaliyadda ka ahaa dowladda Soomaaliya oo sida uu ku doodayo uu  dalka Soodaan ugu tegey, kana codsaday  inuu lacagta noodhka ee  shillinka  Soomaali u soo daabaco. Sidaana ay heshiis ku galeen inuu ganacsade Saadiq horumarin u bixyo lacagtaa si loogu daabaco lacagta xiligaa.

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *