Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa kulamo kala duwan la yeeshay labada kooxood ee ay mudanayaasha gollaha wakiilada Somaliland u qaybsameen. Kadib markii ay ku kala jabeen mooshin la doonayo in xeer hoosaadka gollaha

wax lagaga bedelo oo muran iyo buuq ka dhashay sababay in la hakiyo fadhiyadii gollaha maalmihii lasoo dhaafay, iyadoo  ujeedada iyo nuxurka  u weyn ee mooshinku xanbaarsan yahay  la xidhiidhay  sidii ay  fududaan lahayd in shirgudoonka gollaha la bedelo.
Kulamadaa Madaxweyne Siilaanyo iyo labada kooxood ee mudanayaasha wakiilada ku dhexmaray xalay caweyskii iyo shalay qasriga madaxtooyada  oo ahaa kuwo albaabada loo xidhay  ma jiraan warar rasmi ah oo kasoo baxay, balse sida ay shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyeen xubno ka mid ah mudanayaasha gollaha ee ka qayb galay kulamada, waxaa lagaga wada hadlay sidii xaalada gollaha loo dejin lahaa, isla markaana loo heli lahaa inay labada kooxood ee mudanayaashu u qaybsan yihiin isugu soo dhowaan lahaayeen oo meesha looga saari lahaa khilaafka iyo muranka ka dhashay mooshinka wax ka bedelka xeer hoosaadka gollaha wakiilada.
Hase yeeshee Madaxweyne Siilaanyo oo kulankii hore ku qaabilay mudanayaasha kasoo horjeeda mooshinka wax ka bedelka xeer hoosaadka oo  ay hogaaminayaan xubnaha shirgudoonka golluhu ayaa dhegeystay mawqifka iyo dooda kooxdaa, kuwaas oo kulankaa u wakiishay dhawr xubnood, iyagoo  ku  dooday inay sharci tahay in mooshinkan oo kale lasoo dhigo gollaha oo ay mudanayaashu xaq u leeyihiin. Laakiin  aanay aqbalayn in waqtigan xaadirka ah wax laga bedelo xeer hoosaadka gollaha, taas oo ay ku sababeeyeen xaaladaha iyo duruufaha ku gedaaman Somaliland.
Sida ay sheegayaan tibaaxaha wararka la xidhiidha arrimahaa , wuxuu madaxweyne Siilaanyo markaa ka dib la yeeshay kulan ka la mid ah,  saddex xubnood oo ka wakiil ahaa kooxda mudanayaasha ah ee wata mooshinka wax ka bedelka xeer hoosaadka. Xubanahaa oo kala ahaa Mudanayaasha kala ah,  C/qaadir Jirde, Xamse Gaadaweyne Iyo Aadan Tarabi, kuwaas oo Madaxweyne Siilaanyo  dhegeystay mawqifkooda ku wajahan mooshinkaa iyo sida ay u arkaan in xal looga gaadho muranka iyo khilaafka kala qaybiyay gollohooda ee ay isugu soo dhowaan lahaayeen, balse sida ay shebekada wararka ee Araweelonews  u xaqiijeeyeen qaar ka mid ah mudanayaasha u wakiishay  xubnahaa kulanka madaxweynaha ee iyagu watay mooshinka ayaa ku adkaystay in aanay ka laabanayn mawqifkooda la xidhiidha inay wax ka bedel ku sameeyeen xeer hoosaadka gollaha, isla markaana waxay doodooda ku xuseen in aanay ujeedadoodu ahayn waqtigan inay bedelaan xubnaha shirgudoonka gollaha, taas oo ay ku tilmaameen dacaayad lagu marin habaabinayo mooshinka ay wadaan,  balse xaqiiqdu ay tahay oo keliya inay habeeyaan xeer hoosaadkooda oo ku sameeyaan wax ka bedel, taas oo ay sheegeen inay xaq u leeyihiin. Sidaa awgeed aanay ka tanaasulayn mawqifkooda ku wajahan in wax ka bedel lagu sameeyo xeer hoosaadka gollaha oo aqlabiyada mudanayaasha golluhu doonayaan.
Wararka u dhuun daloola kulamadaa ayaa sheegaya inay madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo kooxda mudanayaasha ee wata mooshinka wax ka bedelka xeer hoosaadka golluhu markii ay isku mari waayeen arrintaa balameen inay dib isugu noqdaan kooxda mudanayaashu, markaa ka dibna kulan kale isugu soo noqdaan Madaxweynaha saacadaha fooda inagu soo haya, iyadoo aan waqti cayiman loo balamin kulanka danbe.   

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *