Biixi Yonis1Hargeysa(Araweelo News Network)Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga digtay shir kooxda Khaatumo ee Cali Khaliif Galaydh qorshaynayaan in ay maalmaha soo socda ku qabtaan Magaalada Taleex oo ka tirsan gobolka Sool ee Somaliland.

War-saxafaadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland ayay xukuumadda Somaliland si adag ugu cadaysay in aanay aqbalayn, isla markaana aanay jirin cid ku sandulayn karta in Kooxo ay ugu yeedhay Qaswadayaal iyo Nabad Diid ay gudaha Somaliland shirar ka dhan ah Qaranimada Somaliland ku qabtaan.

Qoraal saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland ayaa u dhignaa sidan:-

“Qoddobka 10aad ee Dastuurka Somaliland wuxuu qeexayaa in ay Somaliland tahay Dal aqoonsan, kuna dhaqanta Axdiyada Qaramada Midoobay iyo Qaanuunka Dawliga ah. Waxaanay tahay Dal aaminsan in khilaafaadka Dawliga ah lagu xaliyo  dariiq Nabadeed iyo Wadahadal, waxaanay aaminsantahay dhawrista Soohdimaha Dalalka kale.

Sidaas darteed Somalailand marnaba Ogolaan maayso in lagu soo xad gudbo Soohdimaha ay la leedahay dalalka kale, mana dhacayso in dad qas-wadayaal ah oo Nabad diid ihi ay ku andacoodaan in ay gudaha Somaliland ku qaban doonaan shirar xaaraan ah oo aan Ogolaansho ka haysan Xukuumadda Somaliland, mana dhicin mana dhacayso in cid kale cadaadis ku saarto xoojinta dhaqdhaqaaqa maamul fidinta iyo sugida Nabad gelyada shacabkeeda meel kasta oo gudaha Somaliland ah.

Xukuumadda Somaliland waxay ka codsanaysaa dalalka jaarka ah iyo ururada caalamiga ah inay ka digtoonaadaan gacansiinta abaabulka shirar ka dhan ah Qaranimada iyo Is-raacsanaanta Dhuleed ee Somaliland iyo in ay Ixtiraamaan Soohdimaha Caalamiga ah iyo Qaranimada Somaliland, sida ay Somaliland u ixtiraamto una aqoonsantahay Soohdimaha Caalamiga ah.”ayaa lagu yidhi qoraalka Somaliland.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *