galaydh1

Taleex(Araweelo News Network)Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh oo xubin ka ah Baarlamaanka Somalia iyo wefdi uu hogaaminayo oo ka mid ah kooxda Khaatumo ayaa maanta gelinkii danbe gaadhay magaalada

 

Taleex oo ka mid ah gobolka Sool ee Somaliland.
Dr. Cali Khaliif oo la hadlay dadweyne soo dhoweeyay markii ay maanta kasoo degeen garoonka macmilka ah ee Taleex iyagoo kasoo kicitimay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ujeedada socdaalkoodu la xidhiidho sidii ay deegaanka Taleex ugu qaban lahaayeeen shirkii Khaatumo.
Wxuuuna waxba kama jiraan iyo been ku tilmaamay warar kasoo baxay xkuumadda Somaliland maalmihii u danbeeyay ee sheegayay inuu jiro wadahadal u socda xukumadda Somaliland kooxda Cali Khaliif hormoodka u yahay, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “waxaan maqlayay Hargeysa oo leh wuu noo imanayaa, warkaa waxba kama jiraan waa been. Hadda dhibta nahaysatay waxay ahayd sidii ay uga bixi lahaayeen Taleex iyo dhulkeena, Mana ihi nin soo socda ee dadka beenta ka daaya, waxaan u sheegayaa kuwaa in aan imi dalkaygii iyo deegankaygii oo aan joogayo, dhulkayagana gacantaan ku qabanaynaa.” Ayuu yidhi. Cali Khaliif Galaydh oo la hadlayay dadkii soo dhoweeyay.
Todobaadkan ayay ciidanka Qaranka Somaliland gudaha u galeen magaalada taleex, balse waxa ay iskood uga soo baxeen maalin ka dib, waxayna arrimahani kusoo beegmeen xili uu magaalada Hargeysa ku suganyahay Garaad ka mid ah Garaadada Sool ee kasoo jeeda Taleex Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale oo hore uga soo horjeeday Somaliland, balse xukuumadda Somaliland la gashay wadahadal.

Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya in laga cabsiqabo in ciidamada Somaliland gudaha u galaan mar kale magaalada Taleex oo ay waqtigan Cali Khaliif Galaydh iyo kooxdiisu doonayaan in ay ku qabtaan shir kasoo horjeeda qarimada Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *