Lawyacado(ANN)Xukuumadda Somaliland, ayaa ku wareejisay Dawlada Djibouti  Afar qof oo oo Ajaanib ah, isla markaana qaatay Diinta Islaamaka oo ay xalay ciidanka Somaliland ku qateen duleedka xeebta Lughaya. Kadib markii ay xadka kasoo talaabeen, iyagoo ka baxsanaya sirdoonka

dalkaa oo si weyn ugu raad joogay dhaq-dhaqaaqooda, kuna amray inay dalka ka baxaan.
Saraakiil ka tirsan Somaliland oo ku sugan deegaanka ayaa u xaqiijiyay shebekadda wararka ee Araweelonews in Afartaa  qof galabta lagu wareejiyay Hay’addaha amniga ee dawladda Djibouti, iyadoo gaadhigii ay wateen kooxdaas ajaanibka ahi oo laga lahaa dalka Djibouti saacadaha soo socda loo jiidayo.
Afartan qof oo dhammaantooda haysta dhalashada dalka Faransiiska, balse  laba mid ahi yihiin rag  asal ahaan kasoo jeedaan dalka Senegal iyo labada  kale oo ahaa haweenay  iyo Nin labaduba u dhashay dalka Farance, ayaa shalay Ciidanka Boooliska Somaliland ee dhinaca Xadka galbeed oo kaashanaya ciidanka Milaterigu gacanta ku dhigeen, kadib  markii ay kusoo jiidheen Siliiga xadka Gaadhi nooca loo yaqaan Leyla Calawi, isla markaana isku dayeen inay qarda-jeex ku maraan dhinaca Koonfurta Lowyacado, balse la qabtay iyagoo ka lugeeyay gaadhigii ay wateen.
Kooxda ajaanibka ah oo qaatay Diinta Islaamka, ayaa saraakiisha Somaliland u sheegay u sheegay inay cabsi geliyeen sirdoonka Dalka Djibouti. Kadib markii ay uga shakiyeen inay xidhiidh la leeyihiin kooxaha Al-shabaab iyo Ururweynaha Al-Qaida, taas oo sababtay inay Sirdoonka Dawlada Djibouti  ku amreen inay ka baxaan dalkooda, iyadoo laga xereeyay wixii aqoonsiyo ay siteen sida Passports.

Ciidamada Somaliland ee qabtay kooxdaa dadka ajaanibka ah, ayaa xaqiijiyay inay baadhitaanadii ay ilaa xalay ku wadeen dadkaa ku ogaadeen inay dhamaantood ahaayeen dad Muslin ah, iyadoo saraakiisha gobolka ee baadhay dadkaa markii ay qabteen xuseen in Gaadhiga ay wateen laga helay Kutub Quraanka kariimka ah  oo dhawr dersin ah, kuwaas oo sida ay sheegeen ku qoran Af -Carabi iyo Af- Faransiis.
Afrataa qof ayaan si cad loo oggayn  ujeedada dhabta ah ee socdaalkooda iyo meesha ay  doonayeen inay qabtaan, basle Kooxda ajaanibka ah ee lagu qabtay Lawyacado, isla markaana lagu wareejiyay dawladda Djibouti oo ay kasoo baxsadeen  ayaa qabashadoodu kusoo beegantay, iyadoo ay ciidmada amaanka Somaliland  ku jiraan heegan dheeraad ah. kadib markii ay qaraxyo aan la mahadin oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ka dhaceen magaalada Muqdsiho ee Koonfurta Somalia Arabacadii  4 April  2012.
Sidoo kale arrintan ayaa kusoo beegantay, iyadoo dhawr todobaad ka hor Ciidanka dalka Djibouti ay gacanta ku dhigeen sadex Nin oo dhalinayaro ah oo looga shakiyay inay xidhiidh la leeyihiin kooxda Al-shaab, kuwaas oo xabsiga loo taxaabay. Kadib markii sida ay wararka la xidhiidhaa sheegayaan lagu qabtay waxyaabo muujinaya inay maleegayeeen qorshayaal lagu waxyeelaynayo amaanka dalka Djibouti.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *