Hargeysa(ANN)Xafiiska Laanta Socdaalka Somaliland, ayaa loo magcaabay Taliye cusub. Kadib markii uu maanta  Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha  Maxamed Nuur Caraalle (Duur), soo saaray qoraal uu xilka kaga qaaday Taliyihii hore  Dayib Cismaan Caalin, oo mudo dheer

hayay xilkaa.
Sida ay shebekada wararka ee Araweelonews u sheegeen saraakiil ka tisran laanta socdaalka, waxa xilkaa loo magcaabay Col, Maxamed Cali Yuusuf oo kum magacdheer  (Ina Canbaro). Lama ogga sababta xil ka qaadsita  masuulkaa oo mudo ku dhow toban sanadood hayay xilkaa, isla markaana ahaa masuul degan oo hawshiisa iyo waajibaadkiisa shaqo ku koobnaa, kaas oo  aan lagu arki jirin loolanada masraxyada siyaasada, xataa waqtiyadii loolanka siyaasada  iyo kaanbaynka  ugu adkaa dalka ka socday ee ay talada haysay xukuumaddii hore ee doorashada lagaga guulaystay 26 Jun 2010.
Hase yeeshee tan iyo markii ay xukuumadda Madaxweyne Siilaayo la wareegtay hogaanka talada dalka oo xafiiska Laanta Socdaalka la hoos geeyay Wasaaradda Arrimaha gudaha, waxa soo baxayay tibaaxo iyo xoggo hoose oo tilmaamayay in xafiiska Laanta socdaalka oo ay xukuumaddii Madaxweyne Rayaale hoos geysay Sirdoonka Qaranka 2003,  maalmo yar ka dib markii ay doorashadii Madaxtooyada ku guuulaysatay, balse xukuumadda Siilaanyo ku dartay arrimaha gudaha ay soo waajaheen kala daadsanaan iyo inuu ducuf dhaqaalle ku dhaco.
Sidoo kale waxay xoggahaasi tilmaamayaan in kala qaadista Sirdoonka iyo Laanta socdaalku mid walba dhinaceeda ay usoo waajahday habacsanaan iyo tafaraaruq, taas oo meesha ka saartay wada shaqayntii iyo isku duubnidii labadaa xafiis oo aan kala maarmayn, isla markaana iyagoo is dhaafsanaya xoggaha iyo macluumaadka mid wabla gaareekda u haysay hawsha qaranka ay masuulka uga tahay, basle qorshaha Laanta socdaalka lagu hoos geeyay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ka dhashay soo jeedin uu si weyn ugu adkaystay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha xukuumada cusub Dr. Gaboose.
Hase yeeshee sarkaalka loo magcaabay Laanta socdaalka Somaliland Col, Maxamed Cali Yuusuf oo ku magacdheer  (Ina Canbaro), isla markaana hore u ahaa haya’ddii  sirdoonka ee dawladii Milateriga ahayd , balse dhinaca qurbaha  kayimi dhawr sanadood ka hor, ayaa xiligii doorashada madax looga dhigay amaanka xarunta komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, waxaana dadka aqoonta u lihi ku tilmaamaan nin karti baddan oo shaqadiisa oo khibarad iyo waayao aragnimo mudo dheer oo uu hawlaha sirdoonka kusoo jiray.
Laakiin duruufaha  mid walba gaarkeeda u qabsatay Sirdoonka iyo laanta socdaalka ee la kala saaray saamayn ku yeesheen  hawlihii ay qaranka u hayeen. Sidaa awgeed  waxay dadka arrimaha amaanka ka faalloodaa farta ku fiiqayaan inay lagama maarmaan tahay in duruufaha iyo debecsanaanta dhinaca sirdoonka  oo u baahan is bedel  iyo weliba  taxadir dheeraad ah xiliggan la saxo, isla markaana dib laysugu soo celiyo labadaa xafiis si ay u yeeshaan iskaashi iyo awood buuxda oo ay ku waajihi karaan hawlohooda. Sidoo kalena la miisaamo cida ku haboon hawsha balaadhan iyo duruufaha  horyaala hawlaha xafiisyadaa ee xiliggan oo ay ka dabaalankaraan  Ina Canbaro iyo kuwii ay isku kooxda ahaayeen ee khubaraddii sirdoonka oo ku sugan meelo aan ka figayn madaxtooyada Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *