Hargeysa(ANN)Xisbiga Kulmiye oo  ka mid ah sadexda Xisbi Qaran ee Somaliland, isla markaana ah Xisbul Xaakimka talada dalka sida weyn ugu guulaystay doorashadii 26 Jun 2010, ayaa maanta iclaamiyay mudada ay qabanayaan shirkoodii Golaha Dhexe, kaas oo ay u mudeeyeen   14 April  2012, taas

 

oo noqonayay laba todobaad ka dib.
Hogaanka Xisbiga Kulmiye oo maanta saxaafada la hadlay ayaa ugu baaqay xubnaha golaha dhexe ee xisbigaa inay xaruntooda yimaadaan ka hor waqtiga loo cayimay shirka golaha dhexe. “Maanta waxaannu isugu kiin yeedhnay xisbiga KULMIYE oo aad filayseen inuu shirkiisii golaha dhexe qabto oo shirguddoonka iyo cidii hawshaas u xilsaarnayd innooga waranto, si guud mar ah.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ay hareeraha ka fadhiyaan qaar ka mid ah hogaanka xisbiga, wuxuuna hadalka  kusoo dhaweeyay Masuulliyiinta kale.
Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Kulmiye Jaamac Shabeel, ayaa yidhi, “Wxaannu halkan kaga dhawaaqaynaa shirweynihii Gollaha Dhexe ee KULMIYE oo la qabanyo,  14  April oo ku beegan maalin Sabti ah, dhammaan xubnaha Golaha dhexe ee caasimadda iyo Gobolada , waxaanu  oggaysiinaynaa inay Xarunta Xisbiga ku yimaadaan ugu danbayn tobanka bisha, gaar ahaan xubnaha gobolladu waa inay ku soo dedaalaan imaatinkooda si loo siiyo kaadhadhka xubinnimada shirka, wixii looga baahanyahayna loola sii socodsiiyo, waqtigana dhawraan.”
Sidoo kale waxa ku dhawaaqista shirka gollaha dhexe ka hadlay  Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf, wuxuuna sharaxaad kooban ka  bixiyay kala duwanaanshaha shuruudaha looga baahanyahay xisbiyadii hore u jiray iyo ururada cusub ee u tartamaya doorashooyinka Golayaasha Deegaanka oo ay ka soo dhex bixi doonaan saddex xisbi qaran,  wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya  yidhi, “Sidaad la socotaan waxa jira arrimmo badan oo doorashooyinka la xidhiidha  iyo sidoo kale  15ka urur-siyaasadeed oo iyaga laga doonayo  shuruudo gaara oo Xeerku dhigayo iyo saddexda xisbi qaran oo iyagana  laga doonayo  inay shirkoodii Golaha dhexe qabsadaan. Markaa anagu waxaanu qabsanaynaa haddaanu nahay Kulmiye Shirkii golaha dhexe oo aanu mudaynay.”
Xisbul-xaakimka KULMIYE-na waxa laga rabaa inuu shirkiisii Golaha dhexe qabsado, KULMIYE wuxuu muddooyinkii danbe waday sidii uu u qaban lahaa shirkiisa golaha dhexe oo anu dhammaystirnay.”ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee KULMIYE  Xasan Siciid.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *