Hargeysa(ANN)Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay inay  wado qorshe dhalinyaro ciyaartooy ah loogu dirayo tababaro iyo koorsooyin dalka debediisa ah. Sidaana  waxa maanta xafiiska ka sheegay wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland   Axmed Xaashi Madar

oo ka hadlay munaasibad arintaa loo sameeyay oo ka dhacday xarunta wasaaradda.
Mr. Axmed Xaashi, waxa uu sheegay inay hirgelinta hawshan  iska kaashadeen  Wasaaradda Dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo qurba jooga Somaliland, kuwaas oo soo dhameeyay inay   10 dhalinyaro ah u diraaan  Dalka Ingiriiska, iyagoo sida uu sheegay  halkaa ku soo qaadan doona kooras tababar ah oo loogu layliyayo inay noqdaan tababereyaal kooxeed.
Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka Somaliland Axmed Xaashi Madar, oo ka hadlay xafladaa  ayaa  ka waramay hawlaha wasaaradda,  isagoo yidhi,  “Wakhtigan aynu ku jirno waa wakhti iska bilow ah,  waxyaabihii aanu ugu tallo galay inaanu Wasaarad ahaan qabano waxba noogamay hirgelin,  waxase ay u socotaa  talaabo talaabo wax badanna waanu qaban doonaa haddii alle yidhaahdo oo ku saabsan arrimaha dhalinyarada iyo ciyaarahaba.”
 
Wasiirku isagoo ka hadlaya kooxdaa dhalinayarada ah wuxuu yidhi, “Waxa jirtay qolo la yidhaahdo Somaliland Training oo aanu xidhiidh la sameynay oo qurbo joog ah ayaa waxay inoo soo dhameeyeen 10 dhalinyaro ah oo muddo sadex bilood ah la soo bari doono tababarenimada kooxaha ciyaaraha, haddii tobankan dhalinyarada ahi ay tababarka sidii la rabay uga soo baxaan waxa haddana la dirayaa toban kale. Waxaanu tobankan dhalinyarada ah ka soo kala xulay gobolada dalka oo dhan Caasimada Hargeysa sadex xubnood, Togdheer 2 xubnood, Awdal 2 xubnood, iyo sadexda gobol ee kale oo min hal xubnood ah.”
 
Waxa kale oo ka oo xafladaasi ka hadlay oo ka waramay marxaladii hawshaasi  soo martay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mustafe Maxamuud Qodox iyo wakiilka ururka qurbo jooga ah ee soo dhameeyay hawshaa,  Ismaaciil Maxamed Faarax, ururkaa oo iyagu qaadaya 10-ka dhalinayada ah ee  tababarayaasha loo soo tababarayo.
 
Dhalinyaradaa oo loo qaybiyay gobolada dalka waxay magacyadoodu yihiin sidan;-
 
1-Maxamed Maxamuud Maxamed (Diridhaba) Hargeysa
2-Cadnaan Cubayd Guutaalle Hargeysa.
3-Kayse Aadan Baashe Hargeysa.
4- Barkhad Aadan Xirsi Boorame.
5-Xasan Siciid Guulleed Boorame.
6-Maxamuud C/Raxmaan Xasan Berbera.
7-Cali Maxamed Saleebaan Burco.
8-Ibraahim Cabdi Yuusuf Burco.
9-C/risaaq Maxamed Faarax Ceerigaabo.
10-Maxamed Cawil Xasan. Laasscaanood.

 By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *