Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maamulka Dekeddaha Somaliland ka hoos saaray  Wasaaradda Kalluumaysiga iyo  Khayraadka Badda, taas oo markii u horaysay

 maamulka xukuumada cusub ee dhowaan Madaxweynuhu magcaabay maamulkeeda  la raaciyay Wasaaraddaa. Kadib markii wax ka bedel lagu sameeyay  dhismaha Wasaaraddo iyo Ha’yado horu u kala gaar ahaa, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen  Dekeddaha Dalku, iyadoo  wixii ka horeeyay xukuumada cusub maamulka Dekeddaha Dalka  laga maamulayay Madaxtooyada Somaliland.
Ma jiro qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Madaxtooyada  oo sheegaya in Madaxweynuhu kaga hoos saaray wasaaraddaa maamulka Dekeddaha, balse warar xog ogaal u ah qasriga madaxtooyada ayaa shebekada Araweelonews u xaqiijiyay in Madaxweynuhu Wasaaradda Kaluumaysiga, Khayraadka Badda iyo Dekeddaha ka hoos saary maamulka Dekeddaha Dalka, isla markaana xogaha la xidhiidha warkaa ayaa sheegaya in si ku meelgaadh ah looga maamulayo Dekeddaha Somaliland Madaxtooyada Somaliland.
 Ilaa hada ma cada sababta maamulka Dekeddaha looga hoos saaray Wasaaraddaa, balse waxa jira warar xog ogaal u ah arrimahaa oo sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo talaabadan qaaday ka dib markii muran iyo khilaaf hoose oo la xidhiidha wada shaqaynta wasaaraddaha Kaluumaysiga, Khayraadka Badda iyo Wasaaradda Maaliyada soo if baxay mudooyinkii  u danbeeyay, kaas oo labada wasiir ee wasaaraddahaa Dr. Maxamed Yaasiin Xasan iyo Eng. Maxamed Xaashi Cilmi uu murankooda Madaxweyne Siilaanyo u saaray gudi, taas oo sida ay xoguhu sheegayaan  keeni weyday xal iyo wada shaqayn labadaa masuul, kuwaas oo muranka ugu weyni ku dhexmaray Dekedda Berbera oo ah goobaha ugu weyn dhinaca dakhliga dalka, isla markaana kulmisa maamulka wasaaraddahaa, kuwaas oo wada shaqayntoodu xumaatay. Kadib markii ay isku maandhaafeen maamulka goobaha Dakhliga.
 
Maamulka Dekeddaha Dalka  xiligii  Xukuumaddii Marxuum Cigaal iyo xukuumadii  Daahir Rayaale talada haysay, waxay  si toos ah u hoostagi jirtay Madaxtooyada, laakiin  Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo  Xisbiga uu Guddoomiyaha ka ahaa ee KULMIYE, ayaa hore u balanqaaday in aan  cid gaar ahi   ka  faa’iidaysanayn  dakhliga Dekadda Berbera ka soo baxa oo aan Miisaaniyadda dawladda lagu dari jirin. Balse Dekadda Berbera ka mid noqon doonto ilaha dhaqaalaha ee dakhligooda lagu dari doono ka dawladda dhexe. Sidaana Madaxweyne Siilaanyo dhismaha xukuumadiisa cusub ku raaciyay maamulka Dekeddaha Dalka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda.

 By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *