Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),   ayaa maanta ka qaybgalay munaasibad si weyn loo agaasimay oo lagu  xusayay  sannad-guuradii 26-naad ee kasoo wareegtay maalinta shuhadadii SNM, taas oo ku beegan 17 Oct.

Munaasibada xuskaa ayaa ahaa mid ka duwanaa kii hore loo qaban jiray, iyadoo mararka qaar xiliyadii xukuumadii Daahir Rayaale uu shiiqay xuska maalmahan oo kale. Sidaa awgeed xuska maalintan oo kale ayaa lagu maamuusaa shuhudadii halgankii dib u xoraynta dalka, iyadoo maalinta 17, Oct, ay ku beegantahay    17, Oct1984-kii, maalintaa oo ahayd maalintii ay xoogagii SNM dagaal ay jilbaha is dhigeen taliskii milateri ee nidaamkii Maxamed  Siyaad Barre duleedka magaalada Hargeysa meel lagu magcaabo Burco Duuray, iyadoo dagaalka maalintaa dhacay ay ku shihiideen Mujaahidiin uu ka mid ahaa Muj. Maxamed Xaashi (Lixle) oo ka mid ahaa saraakiishii bud-dhiga u ahaa Ururkii SNM. Sidaana waxa loogu asteeyay maalintaa inay noqoto maalinta lagu soo ururiyo dhamaan shuhudadii ku shihiiday halgankaa bilaw ilaa dhamaad. 
Xuska munaasibada 26-aad ayaa ilaa shalay laga dareemayay abaabulkeeda iyo diyaargarawga loo samaynayo, iyadoo markii ugu horaysay munaasibadaha xuska sidan oo kale qalabka warbaahinta dawlada si mug leh loogu qaadaa dhigay taariikhdii marxaladihii kala duwanaa ee Somaliland iyo halgankii ay dalka ku xoreeyeen Ururkii SNM.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo noqonaya madaxweynii u horeeyay ee ka qaybgala xuska munaasibada 17 Oct, isla markaana ahaa gudoomiyihii xiligaa ee ugu mudada dheeraa hogaaminta Ururkii SNM, ayaa maanta  xuska munaasibadaa sida weyn loo agaasimay kala qayb galay kumanaan dadweyne ah fagaaraha Beerta xoriyada ee magalaada Hargeysa.
“Waxa maanta kuligeenba farxad weyn inoo ah inaynu xafladan taariikhiga ah,  maalintii halganka, maalintii shuhadada, isugu nimaadno oo  aynu xusno geesiyaashii u halgamay ee naftooda iyo dhiigoodaba  u hurey xorriyadan aynu maanta dugsanayno, dawladnimadan aynu haysano iyo qaranimada aynu haysano.
in badan waad maqasheen aniga (Siilaanyo) oo halkan iyo meelo badan oo kale ka leh, ummadani waxay u soo halgantay maanta wixii ka danbeeya xabad danbe loo qaadan maayo, ee cod ayaa lagu kala helayaa oo lagu kala adkaanayaa”. Sidaa waxa yidhi Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo fagaaraha Beerta Xoriyada kula hadlayay kumaan dadweynaha magaalada Hargeysa ah, kuwaas oo usoo baxay xuska maalinta shuhudada SNM.
 
Madaxweynuhu wuxuu isagoo himilooyinkii halganka ka hadlaya yidhi,   “Maanta waa Ilaahay xamdigii hadaynu halkan isugu nimi, iyada oo maanta is-bedelkii loo baahnaana uu dalkeena ka hirgalay, dimuqraadiyadii ka hirgashay, doorashooyin xalaal ahi ka dhaceen. Dhaqana ay inoo noqon doonto Imika wixii ka danbeeya inaynu dimuqraadiyada, xoriyda iyo wada-jirka  aynu wada ilaashano, maalinta taariikhiga ah ee  shuhadda SNM,   ee aynu halkan ku xusayno,
 

 Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu sheegay maalinta Shuhadada SNM,  inuu si weyn u xasuusto, wuxuuna isaga oo ka hadlaya xasuusta ay maalintaasi ku leedahay yidhi,  “Maalintaa  aad iyo aad ayaan u xasuusta maalintaa waxaan joogay xaruntii SNM,  ee Magaalada Dirir-dhaba, maalintaa  waxa noo yimi deeq-bixiyayaashi wax naga  tari jirey halganka  ee saaxibada inoo ahaa oo  wax naga tari jirey halganka inaga (SNM) iyo ururkii la odhan jirey SSDF oo isaguna u halgamayey xoriyadii Soomaaliya. Waxaanu maalintaa  muujinay oo aanu cadeynay halgankii aanu ku jirnay, sidii aanu halgankii ugu jirnay ee Shirkii loogu jiray ee la lahaa hawlihiini ma qabateen? Mise maydaan qaban? Ayaa anga oo joogna Ethiopia gudaheedi ayaa weerarkii dhacay, waxaana ku geeriyooday Muj Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle),”
 
Wuxuuna  sheegay in xoriyada ay Somaliland ku naaloonayso ay dhaliyeen mujaahidiintii u naf-waayey xoreyntii dalkan, isaga oo arrinta ka hadlaya Madaxweynuhu  waxa uu yidhi, “Inaga oo doonayna inaynu dalkeena horumarino, oo wax ka qabano balanqaadyadii aanu balanqaadnay markii aanu xisbiga ahayn inaanu fulino, oo insha allah aanu fulin doono. Dadkii dhaliyey ee asaaska u ahaa, waa dadka aynu maanta halkan ku soo magac-qaadayno, waxaanan leenahay Ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyo shuhudadii halganka ku shahiiday.”
 
Madxweynuhu  waxa uu tilmaamay inay qiimayn iyo qadarin u samaynayaan dadkii ay ka dhinteen mujaahidiintii dalka xoreeyey ee ku shihiiday halgankaa, isagoo  yidhi,  “Waxaanu balanqaadaynaa, haddii aanu nahay xukuummada cusub inaanu qiimayno oo aanu qadarino iyaga iyo wixii ay ka dhinteen, himilooyinkii ay u dhinteena inaanu ummada u fulino, iyo kuwa aanu Xisbi ahaanba (KULMIYE) balanqaadnay.”
Sidoo kale waxa munaasibadaa ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Dr, Maxamed Cabdi Gaboose,  Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE,  Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha kuxigeenka Xisbiga UCID Aadan Mire Waqaf iyo mujaahidiin ka qaybgalay  maalintii  dagaalkii qadhaadha ee Buro Duurey, kuwaas oo dhamaantood ka waramay halgankii loo soo galay dalka iyo ujeedooyinkii himilooyinka u ahaa. 

Dhinaca kale Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa geed ku beeray goob ku taala xarunta wasaaradda warfaafinta iyo wacyi gelinta oo laga dhisayo taalo wayn oo lagu xasuusan doono mujaahidiintii SNM.

Xuska munaasibadan oo ahaa mid ka duwan sidii loo qiimayn jiray maalmahan oo kale xiligii xukuumadii iyo maamauladii hore ee Somaliland, waxa uu madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo noqonayaa madaxweynhii u horeeyay ee ka qayb gala xuskaa 17 Oct, balse waxa aan kasoo qaybgelin munaasibada xuska ee maanta Madaxweyne ku xigeenkii ugu horeeyay ee Somaliland Xasan Ciise Jaamac iyo Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee Somaliland C/raxmaan Awcali Faarax oo labaduba ka mid ahaa halgamayaashii ururkii SNM. Sidoo kale xisbul xaakimkii hore UDUB ee lagaga adkaaday doorashadii madaxtooyada ayaan lagu arag fagaaraha, isla markaana waxaan  lagu arakin fagaarahaashirgudoonka golayaasha Guuritada iyo Wakiilada Somaliland.
Dhinaca kale xusas sidan oo kale ah ayaa magaalooyinka waaweyn ee Somaliland looga sameeyay munaasibadan, kuwaas oo dhamaantood laga waramay halgalkii SNM ee dalka lagu xoreeyay iyo ujeedooyinkiii laga lahaa, isla markaana looga duceeyay dhamaan shuhudadii ku dhimatay halgankaa.

 By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *