Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland, ayaa soo saartay awaamiir lagu mamnuucayo inay gaadiidka dawladu suuqa maraan wixii ka danbeeyay sadexda galabnimo, wuxuuna ku amray ciidanka wadooyinka inay fuliyaan amarkaa oo ay qabtaan gaadiidka xiligaa wixii ka danbeeya soconaya. Sidoo

 

kale waxa awaamiirtaa lagu sheegay in aan gaadiidka dawladda la dhigi karin geerashyada gaarka loo leeyahay.
Sidaana waxa shalay shaaca ka qaaday Wasiirka  Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade, kaas oo sheegay  in todoba maalmood loo qabtay Dadka ku jira Guryaha dawlada inay ku soo bixiyaan Kirada lagu soo rogay, isagoo dhinaca kalena awaamiirtaa ku xusay in la mamnuucay gaadiidka shukaanta ku leh dhinaca Midigta oo wasiirku sheegay inay khilaafeen sharciga wada marista.
Wasiir Xaabsade oo ugu horayn ka hadlaya Ilaalinta Gaadiidka dawlada oo uu sheegay in aan lagu dayactiri Karin Geerashyada gaadiidka ee gaarka loo leeyahay waxa uu yidhi “Waxyaaba badan oo khaldan baa jira oo aanu saxaynaa, waxa ugu horeynaya gaadiidka dawlada, waxaanu u sheegaynaa dawlada iyo cidii ku shuquleh ba gadiid badan baa wuxuu yaalaa geerashyada, waxaanu usheegaynaa in gaadiid kaasi la soo wada xareeyo, oo lagu soo xareeyo wasaaradu meesha ay ugu talo gashay ee ah qaybta gaadiidka. waxa kaloonu u sheegaynaa baabuurtu way xumaanaysaa oo bir baa jabaysa, wasaarada gaadiidku waxay diyaar u tahay gaadhi kasta oo dawladu leedahay inay sameyso, markaa wasaaradaha waxaanu leenahay dhamaan baabuurta aad haysataan ee dayactir u baahan soo dirta oo keensada”.
Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “ Waa la idiin sameynayaa gaadhi dambe oo la gaynayo geerashna majiro taana waan idiin sheegaya. waxa kaloon u sheegayaa sharciga gaadiidka wuxuu leeyahay gawaadhida dawlada habeenkii ma socon karto marka shaqada laga rawaxo. labadaa laga rawaxayaa ilaa seddexda xaq buu qofku uleeyahay inuu haysto, Laakiin saddexda ka bacdi wuu soo xareeynayaa wixii aanu sharci u lahayn, markaa waxaan farayaa booliska taraafikada ah gaadhi kasta oo dawladu leedahay oo maraya suuqa saacadaa wixii ka dambeysa in la qabto oo la soo dhigo.”
Mar uu ka hadlayay Kirada ay Wasaaradiisu ku soo rogtay Guryaha dawlada iyo mudada  kama dambeysta ah ee lacagtaa Kirada lagu soo Xaraynayo wuxuu  yidhi,  “Guyaha dawlada waxaanu  ku samaynay tiro koob dhamaantood, qaar waxaa ku jira shaqaalaha dawlada, qaar shacbibaa ku jira, qaarna waxaa ku jira ciidamada qalabka sida, markaa waxaanu u wada qornay dhamaantood inay kiradii guryaha iska soo bixiyaan”ayuu yidhi.
Wasiir Xaabsade waxa uu hadalkiisa raaciyay “wixii dawladda u shaqeeya waxaanu rabnaa in dawladu ay ka jarto oo foojarka ay kaga jarto, waxaana laga jarayaa mudada 2011 ilaa iyo maanta(2012) wixii lagu leeyahay waa laga jarayaa. waxa looga jarayaa dadka dawladu guryo kuma wada jiraan dad baa labaatankii sano ku jiray guryo oo ku dhalay oo labaatan jir hada ku jira, rag aan waligood guri galina waa ay joogaan oo cidi mushahaaro kuma siiso markaa waxaanu go’aansanay ninkasta oo gurigaa ku jira wixii hore waqfi ha u noqoto, laakiin 2011 iyo sanadkan wixii lagu yeesho waa laga doonayaa inay bixiyaan oo deg deg u bixiyaan marka aanu biilkii u gayno. ninkii todobada cisho ee aanu u qabano ku bixin waayana guriga waa laga saarayaa, Qof walibana taasi ha ogaado”.
Dhinaca kale  Wasiirka hawlaha Guud Axmed Cabdi Xaabsade, waxa uu shaaca ka qaaday in la mamnuucay Gaadiidka Shookaanta dhinaca Midig ku leh, kuwaas oo uu sheegay inay Khilaafayaan sharciga wado Marista Gaadiidka dalka, wuxuuna yidhi,  “Waxa kaloo la mamnuucay gaadiidka isteerinka ku leh dhinaca midigta oo ah dhinaca guracan iyo basaska ku leh albaabka dhinaca bidixda, kuwaas oo dhamaan khilaafsan sharciga gaadiidka dalka”.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *