Hargeysa(ANN)Saraakiishii dhowaan maxakamadda gobolka Hargeysa ku riday xukunka ee loo haystay raashinka macaamida ah ee la musuqmaasaqay, ayaa loo wareejiyay xabsiga weyn ee Mandheera oo ku yaal badhatmaha  magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.

Sida ay shebekadda wararka ee Araweelonews u xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelada dadkaa, waxa  xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa  laga qaaday habeen hore sadexdii habeenimo  Badhasaabkii hore ee gobolka Maroodi jeex  Axmed Xaaji C/llaahi Xamarje, Agaasimhii hore ee Dib u Dejinta Axmed Cilmi Barre (Ina Cilmi Yare) iyo laba nin oo kale oo ka mid ahaa shan qof oo kiiskaa musuq-maasuqa raashinka macaawimada ah lagu eedeeyay oo maxkamadda la hor keenay, kuwaas oo maxkamadda gobolka Hargeysa xukuno kala duwan ku riday.
Labada maxbuus ee weheliyay Badhasaabkii hore Xamarji iyo Agaasimhii dib u dejinta  Axmed Cilmi  ee loo wareejiyay xabsiga Mandheera ayaa kala ah, Axmed Maxamud Geele (Timcade), kaas oo ahaa  Gudoomiyihii NGO-ga Siwo ee deeqda keentay iyo C/shakuur oo ahaa ganacsade, kuwaas oo loo diiday inay arkaan eheladoodu sida ay ku doodayaan, isla markaana culays dheeraad ah la saaray.
Talaabada xukuumadda Somaliland Maxaabiista ugu  wareejisay xabsiga  Mandheera, ayaa kusoo beegantay maalin ka dib markii  waaberigii doraad koox aan weli la aqoonsani tacshiirad rasaas ah ku weerareen Garsoorihii xukunka ku dhawaaqay 3 Jun 2012, taas oo sababtay dhaawac soo gaadhay Garsoore C/rashiid Duraan oo ahaa gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Hargeysa, isla markaana qaraarka xukunka ah soo saaray, balse qareenada u doodayay ayaa si weyn u canbaareeyay xukunkaa oo ay ku tilmaameen mid aan cadaalad ahayn oo ay rafcaan ka qaadanayaan. Sidoo kale waxa xukunkaa canbaareeyay  qaar ka mid ah xildhibaanada Kulmiye ee ka tirsan golaha wakiilada.
Xukunadda ku dhacay Sadexda Masuul ee kala ahaa Badhasaabkii Maroodi jeex Axmed C/llaahi Xamarji, Agaasimhii wasaaradda dib u dejinta Axmed Cilmi Barre (ina Cilmi Yare), ayaa lagu xukumay midkiiba sadex sanadood oo xadhig ah, balse   La Taliyihii Madaxweyne xigeenkaa Somaliland Cismaan Siciid Jaamac, ayaa lagu xukumay sanad iyo dhawr milyan oo ganaax ah, kaas oo laba maalmood ka dib debeda usoo baxay markii uu iibsaday xukunka ku dhacay.
Waxaana todoba qof oo xukuno kala duwan lagu riday oo loo haystay raashinkaa maxkamadda  la hor keenay shan ka mid ah,  iyadoo kuwo kale oo maqanayaal ah xukun lagu riday. Afarta maxbuus ee loo wareejiyay xabsiga Mandheera kuwaas  waxa   xabsiga loo taxaabay 10 March  2012, iyadoo xukunka maxkamaddooduna soo baxay 3 Jun 2012.
.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *