https://tssloa.bay.livefilestore.com/y1mg6KjlI81jvTulzBGeR12TirGt9PzU4afewQ3SScsqgBesdEbP6_SYHKXypfcevS-4tqT2IjkiueeK6pmmEWSB1AWakMW9-DRXItoBd_Ms28/486.JPG?psid=1Oslo(ANN)Gudoomiyaha Ururka Waddani , isla markaana ah Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland, C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Ciro) oo socdaal booqasho  ah ku maraya qaar ka mid ah dalalka Yurub, ayaa xalay kulan la yeeshay taageerayaasha Ururkiisa ee

 

ku dhaqan dalka Norwey.

Sida ay wararka aanu ka helay sheegayaan  Gudoomiye Ciro, waxa  uu  ka hadlay arrimaha doorashooyinka ee la filayo inay dalka ka dhacaan dabayaaqada 2012, wuxuuna sharaxaad ka bixiyay barnaamijka Ururkiisa iyo waxyaabaha uu doonayo inuu ka qabto  dhinacyada caddaaladda, garsoorka, caafimaadka, waxbarashada, aqoonsiga iyo adeegyada aasaasiga.

Gudoomiyaha Waddani wuxuu sheegay in Ururkoodu si gaara u tixgelinayo xuquuqda dhalinyarada iyo haweenka oo ay u qorshaynsan tahay  inay doorashooyinka golayaasha deegaanka usoo sharaxyaan dad dhalinayaro ah oo aqoon u leh hawshaa, isla markaana doonayaan inay  keenaan dad wax ka qabta adeegayada aasaasiga ah.
Gudoomiye Cirro  waxa  uu Sidoo kale taageerayaashiisa  uga xog waramay xaalada dalka iyo marxalada siyaasadeed ee xiligan, isagoo dhinaca kalena sharaxaad ka bixiyay hawlaha ay qabteen golaha wakiiladda ee uu gudoomiyaha u yahay iyo diyaargarawga doorashooyinka golayaasha deegaanka ee la filayo inay Somaliland ka qabsoomaan sanadkan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *