Hargeysa(Araweelo News Network)Xukuumadda Somaliland ayaa soo kordhisay Mootooyin loogu tala galay soo dhawaynta maamuuska Madaxweynaha. Sidaana waxa munaasibad lagu soo bandhigay

mootooyinkaa kaga dhawaaqay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo maanta soo bandhigay Afar Mooto oo cusub, kuwaas oo loogu tallo-galay in Maamuus ahaan loogu soo dhaweeyo madaxweynaha Somaliland xiliyada uu safarka u baxayo iyo marka uu dalka kusoo laabto.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, waxa kale oo uu sheegay in saddex dhalinyarro ah oo ka tirsan shaqaalaha madaxtooyada loo dirayo tababar dhinaca dibada ah, kuwaasi oo muddo saddex todobaad ah tababar ku soo qaadanaya dalalka Yurub. Wasiirku isaga oo arrimahaasi ka hadlayay waxa uu yidhi “Waa ILLAAHAY mahaddii, in uu innoo suuro geliyay horumar ballaadhan oo la taaban karo oo dalka ka socda, horumarka ayay tahay dhinacyada kala duwan ee ay dawladu ku tallaabsatay in mar la dhiso waddooyinka, madaaradda, dekedaha iyo xafiisyada dawladda, wasaaradaha iyo waxyaabaha la midka ah oo wax la taaban karo ah.” Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa kale oo uu intaa ku daray “Sidoo kale, iyada oo dhinaca shuruucda iyo dawladnimada wax badan laga qabtay, sidoo kale, iyada oo nidaamkii iyo baratakoolkii habsami u socodka dawladnimada iyada gacanta lagu hayo ayay tani qayb ka mid ah tahay in mootooyinkii maamuuska madaxweynaha ee hor soconaya iyo daba galayay oo la soo iibiyay ciidamadiina lagu tababarayo.”

“Sidoo kale, waxaanu tababar dibadeed aanu u diraynaa saddexdan dhalinyarada ah oo loo diri doono Yusub, kuwaasi oo soo qaadan doona tababar muddo saddex todobaad ah, waxaanay soo qaadan doonaan tababar dhinaca dawladnimada ah iyo habmaamuuska dawladnimadeenna oo aynu doonayno in aynu korino oo dhinac walba aynu ka dhisno, haddii ay tahay xaga nidaamka, iyo hab-maamuuska iyo nidaamka dawladnimo, iyo haddii ay tahay dhinaca kobcinta dhaqaalaha iyo waxyaabah la taaban karo ee dib u dhisku ka midka yahay, ee ay ka midka yihiin waxyaabaha badan ee ay dawladu ku tallaabsatay ee xag nabad gelyo iyo xag ciidan ayaanu maanta halkan ku soo bandhigaynaa waxaanay iyaga oo ficil ah ka muuqan doonaan madaxweynaha iyo la socodkiisa iyo hab-sami u socodka dawladnimo,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyaddu.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *