musixiriinta1Hargeysa(Araweelo News Network)Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa xukun ku riday Nin Sixiroole ah oo laba hablood oo walaalo ah guri ku haystay mudo dheer, isla marlaana ku samaynayay waxa uu doono, kadib

markii uu sixiray hablahaa.
Maxkamadda ayaa Ninkaa Musixir ah ku xukuntay 20 sanno oo xadhig iyo inuu magdhow siiyo labada gadhbood, Ninkaa oo magaciisa lagu sheegay Xasan Sheekh oo ku shaqaysanayay Musixirka ayaa ka ,mid ahaa Afar Musaxiriin ah oo sanadihii uggu dembeeyey hawlahooda sixirnimo ka waday deegaano kala duwan oo ka tirsan Somaliland.

Guddoomiyaha Gudida Wanaag-Farista iyo Xumaan-Reebista, Sheekh Axmed Xaaji Maxamud Xiiray oo Xarun Xafiis ku leh magaalada Hargeysa ayaa ka mid ahaa dadkii gacan ka geystay soo qabashada Musixirlayaasha isaga oo dhegeysiga dacwada ka qeybgalay ayaa warbaahinta u sheegay in Musixirkan la xukumayay iyo saddexda Musixir ee kale kasoo qabqabteen xaafadaha Hargeysa ciidamada Booliiska magaaladana u gacan-geliyeen, iyagoo maxkamadda gobolka dacwaddoodu haatan ka socoto.

Gudoomiyuhu wuxuu kaloo intaas ku daray “Waxa lagu dhaqaaqay dacwada afar musixir oo aanu daba soconay mid ka mid ah, ninkan Musixirka ah ee la xukumay waxa laga soo xidhay degmada Maxamed Mooge, ninkani waxa uu sixray laba hablood oo walaalo ah; kuwaas oo markii hore uu u sheegay inuu dawaynaayo, waxa uu u sameeyay qardhaaso tiro badan oo iyadana ku xidhay meelo kalena dhigay kuwaas oo uu ku hantiyay quluubtoodii, markii la waydiiyay aqoontiisa waxa uu sheegay in aanu wax aqoon ah u lahayn diinta hadana waxa uu qoraayay qardhaaso uu leeyahay waxbaan ku dabiibayaa.”

Musixirka oo 20 sanno Maxkamadu ku xukuntay oo magaciisu lagu soo gaabiyey Xasan Sheekh ayaa sifo Islaamnimada dhaafsiisan guri ku yaalla magaalada Hargeysa ku xaraystay laba dumar ah oo walaalo ah. Labadan dumarka ah oo isku dhalasho xiga waxay Musixirka maxkamadu xukuntay siiyeen Lacagta doolarka Maraykanka si xanuuno ay ka cabanayeen ugga daweeyo.

Musixirka xukunka ku dhacay ayaa ku doodday innaanu gabdhahan wallaalaha ah guri ku xidhan, wax xumaana ahna u geysan, isagoo isku difaacay innuusan laheynba xubnihii taranka ragga. Dhakhtar caafimaad oo soo kala cadeeya sheegashada in Musixirnimada loo haysto ku oolin xubnihiisii tarranka ayaa loo diray halkaas oo dhakhtaradii caafimaadkuna saacado kooban gudahood ku soo cadeeyeen innuu ninkani xubnihiisa taranku caafimaad-qabaan.

Gebagebadii dacwada lagu soo oogay Musixirkan gabdhaha sixray si badheedh ah guri ku soo xidhay iyadda wada noolaansho aan diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed baalmarsan u geystay, waxaana lagu xukumay 20 sanno oo xadhig ah iyo innuu siiyo gabdhahan jidhkooda iyo maskaxdoodu dhibta u geystay magdhow.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *