AlshabaabBaraawe(Araweelo News Network)Kooxda Al-shabaab ayaa fagaare ku yaal magaalada  Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose ee


 

Koonfurta Somalia ku khaarajiyay maanta saddex qof oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen basaasiin u shaqaynayay dalka Faransiiska iyo dowladda Soomaaliya.

waxa kale oo eedaymaha ay ku sababeeyeen toogashada sadexdaa qof ku dareen inay  ku lug lahaayeen duqeymo lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

Maxkamad ay Al-shabaab leedahay ayaa sheegtay inay saddexda qof ee la dilay lagu helay inay fududeeyeen weeraro ka dhacay gobollada Jubbada dhexe iyo Shabeellada Hoose oo lagu dilay xubno muhiim u ahaa kooxda oo aan la shaacin magacyadooda iyo kuwa ay ahaayeen.

Eedaysanaha koowaad ayaa la sheegay inay ku caddaatay inuu sirdoonka Faransiiska u fududeeyay howlgalkii fashilmay ee degmada Buul-mareer ka dhacay Jannaayo 2013-dii, isla markaana uu agaasimay duqeyn sannaddii lasoo dhaafay ka dhacday meel ku dhaw degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

Midka labaad ayaa la sheegay in lagu helay inuu qaab jaajuusnimo ah uu kula shaqeynayay xukuumaddii Cabdiraxmaan Faroole ee Puntland, ayna ehelo dhow ahaayeen, iyadoo la sheegay in sirdoonka Puntland uu kala shaqeeyay shirqoollo ka dhan ah xoogagga Al-shabaab ee ku jira buuraha Gal-gala ee gobolka Bari.

Iyadoo ruuxa saddexaadna la sheegay inuu ka tirsanaa sirdoonka dowladda dhexe ee Soomaaliya. Iyadoo dilka saddexdan qof uu ka dhacay barxad weyn oo degmada Baraawe ku taalla, halkaasoo ay ku sugnaayeen dadweyne fara badan.

Magacyada saddexdan ruux ee la toogtay ayaa lagu kala sheegay  Maxamed Geelle C/lle oo 29-jir, Axmed Cabdullaahi Maxamed Faroole oo uu adeer u ahaa madaxweynihii hore ee Puntland, C/raxmaan Maxamed Faroole iyo C/raxmaan C/ladiif Axmed oo 23-jir ahaa.

Al-shabaab ayaa marar badan oo hore dad ay ku eedaysay basaasiin iyo in ay la shaqaynayeen reer galbeedka ku khaarajiyay fagaarayaal sidan oo kale.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *