Hargeysa (ANN) Xukuumadda Somaliland ayaa  soo bandhigtay qorsheheeda  ku saabsan Mujaahidiintii halgankii SNM ee lagu xoreeyay  Somaliland tan iyo markii ay xukunka ku guulaysatay doorashadii madaxtooyada ee 26 Juun 2010 laba bilood ka hor. Sidaana

waxa lagu ishaaray   kulan balaadhan  oo  maanta lagu qabtay Huteelka Xarar ee magaalada Hargeysa.
lagaga hadlayay sidii wax loogu qaban lahaa mujaahidiintii SNM laguna doonayo in la ururiyo taariikhdii Halgankii dib u xoraynta Somaliland, ayaa saaka lagu qabtay Hudheelka Xaraf ee Magaalada Hargeysa.
 
Kualankaa oo ay soo qaban qaabisay xukuumadda Somaliland waxa ka soo qeyb galay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi gelinta  Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jirre), Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE,  Muuse Biixi Cabdi, Afhayeenka xisbiga KULMIYE. Maxamed Kaahin Axmed, Muj. Ibraahin Dhegaweyne  oo sadexduba  ahaa saraakiishii hogaankii Milateri ee Ururkii SNM.
Sidoo kale  waxa kasoo qaybgaly Boobe Yuusuf Ducaale oo ka socday Akaadamiga Nabada iyo Horumarka Somaliland oo isaguna ahaa mujaahidiintii SNM iyo mujaahidiin kale oo ka  mid ahaa Ururkii SNM.
 
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi gelinta Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jirre),  ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ka go´an tahay sidii loo taageeri lahaa waxna loogu qaban lahaa Mujaahidiintii SNM, Naafadii iyo Agoomihii ay ka tageenba , isagoo tilmaamay in wixii suurto gal ah laga taageeri doono dhinacyada caafimaadka iyo sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa.
 
sidoo kale  wuxuu sheegay inuu ka mid yahay Guddi Wasiiro ah oo Madaxweynuhu u saaray inay hawl ka galaan sidii dib loogu habayn lahaa Jimciyada Mujaahidiinta SNM, isla markaana loo ururin lahaa taariikhdii Halgankii dib u xoraynta Somaliland.
 
Mr.  Cabdilaahi Geel Jire wuxuu sheegay in Guddidoodu  ay bilaabayaan dhismaha Taallo weyn oo la doonayo in lagu muujiyo taariikhdii halganka iyo dagaaladii Ururkii SNM, dhismahaasi oo Madaxweyne Siilaanyo lagu waddo inuu xadhiga ka jaro 17-ka Bisha October, oo ku beegan Sanad guuradda 26-aad ee ka soo wareegtay dagaalkii ugu horreeyay ee  ay si weyn ugu naafeeyeen mujaahidiintii SNM, taliskii  Siyaad Barre, iyadoo  maalintaa oo loo asteeyay xuska Shuhadada SNM eek u shahiiday gebi ahaanba dagaaladaa. Sidoo kale maalintan ayaa ku beegan maalintii uu dagaalkaa ku shahiiday Mujaahid LIXLE oo ka mid ahaa halyeeyadii Ururka SNM.
 
Mujaahid Ibraahim Cabdilaahi Cilmi (Dhego-weyne) oo ka mid ahaa saraakiishii ugu sarraysay garabkii Milatari ee SNM ayaa hadal uu ka jeediyay shirkaa,   ayaa soo dhaweeyay tallaabadan xukuumada cusub ku doonayso inay wax ugu qabato mujaahidiintii SNM, waxaanu u soo jeediyay inay arrintan ka midho dhaliyaan oo wax loo  qabato mujaahidiinta SNM, Naafaddii iyo Carruurtii ay ka tageen oo ay horumariso nolashooda.
 .
 
sidoo kale Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE , Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlay xafladaa  ayaa sheegay in xukuumadani ay wax u qaban doonto mujaahidiintii iyo naafaddii ururkii SNM.
 
Muuse Biixi waxa uu sheegay in taariikhda SNM ay tahay taariikh Somaliland oo dhami wada leedahay, waxaanu tilmaamay inay SNM dhashay oo abuurtay Somaliland.
 
Sidoo kale, waxa halkaa  ka hadlay oo si qoto dheer uga waramay taariikhdii iyo marxaladihii ay SNM soo martay Afhayeenka xisbiga KULMIYE. Maxamed Kaahin Axmed  oo isagu ka nool Afartii sarkaal ee budhiga u ahaa  aasaaskii dhinaca milateri  ee SNM. Waxa kaloo hadal kooban ka jeediyay halkaa Boobe Yuusuf Ducaale oo ka socday Akaadamiga Nabada iyo Horumarka Somaliland

 

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *