Nayroobi (ANN) Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya Dr. Augustine P. Mahiga, Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Danjire Boubacar Diarra, iyo Xidhiidhiyaha  Urur goboleedka IGAD u Qaabilsan Arrimaha Nabadda iyo Dibuheshiisiinta Qaran ee Soomaaliya,

Mr. Kipruto Arap Kirwa, ayaa ugu baaqay kooxaha Soomaalida ee foodda iskula jira colaadda hubaysan inay xabbadda joojiyaan maalintan xurmada leh ee ay ugu magacdareen (Maalinta Nabadda Adduunka oo ku beegan 21ka Sebtember) oo ay taa bedelkeeda  sii wadaan wadahadalada  si loo gaadho ayuu yidhi. nabad waarta.
 
Maalinta Nabadda Adduunka waxaa lagu asaasay qaraar ka soo baxay Qaramada Midoobay sannadkii 1981 waxaana dabbaaldeggii ugu horeeyay ee Maalinta Nabadda Adduunka la qabtay sannadkii ku xigtay ee 1982. Maalintaa waxaa loola danleeyahay inay xoojiso fikradaha la xidhiidha  nabadda iyo inay yareyso kacdoonka iyo sababaha dhaliya iskahorimaadka. Intaa waxaa dheer, shirmadaxeedkii Ururka Midowga Afrika ee lagu qabtay Libya bishii Disembar ee sannadkii  hore ayaa u aqoonsaday sannadka 2010 inuu ahaado Sannaddii Nabadda iyo Amniga Afrika.
 
 
“Nabaddu waxay ka mid tahay xuquuqda asaasiga ee baniaadamka, qof walbana waa inuu ku naaloodaa” ayey yidhaahdeen wakiilladu. “Arrintani  waxay si gaar ah u khuseysaa Soomaaliya oo dadka rayidka ah 20kii sanno ee la soo dhaafay ay ku haysatay colaad, deganaansho la’aan iyo nolol xumo. Waxaa ah wax laga naxo in la maqlo dhibaatada maalin walba haysata dadkaasi. Ayaa lagu yidhi baaqa.
 
 
“Dadka Soomaaliyeed waxay u baahanyihiin nabad iyo xasillooni. Waa inaan sameynaa wax kastoo suurtogal ah si qof walba u helo amni iyo xasillooni, iyo inaan si gaar ah u rajagelino da’yarta. Ma doonayno in facaha,  ama jiilasha soo socoda ay u dhibaatoodaan sidii aabbayaashooda.”
 
 
Sannad walba waxaa la abaabulaa xaflado loogu dabbaaldegayo laguna xusayo maalintan. Xaflado ayaa la qorshaynayaa inay ka dhacaan Nairobi, Muqdisho, Garoowe iyo Hargeysa.
 
 
“Qof kasta meel kasta ha joogee wuxuu u dabbaaldegi karaa Maalintan Nabadda Caalamiga ah.”, ayay ku baaqeen wakiilladu. “Dhammaanteen aan mar labaad u wada hawlgalno si nabad Soomaaliya looga xaqiijin lahaa.” Ayaa lagu yidhi baaqa wakiilada.
 
 
Public Information Office (PIO)
United Nations Office for Somalia (UNPOS)
http://www.unpos.unmissions.org/
 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *