Hargeysa(ANN) Kulan ballaadhan loogaga hadlay meelmarinta  qorshaha siyaasadda heer qaran ee dhallinyaradda Somaliland, ayaa maanta lagu qabtay Hotelka  Ambassador ee caasimadda Hargeysa.

 

Kulankaas oo ay soo qabanqaabisay  dalladda dhallinyarada Somaliland ee SONYO  oo ay ku bohoobeen qaybo badan oo ka mid ah Ururada dhalinayarada Somaliland, waxa kasoo qayb galay  Wasiirka Ciyaaraha, Dhalinyaradda iyo dhaqanka ee Somaliland  Maxamed Ibraahim Madar, Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga UCID Aadan Maxamed Mire (Waqaf), Xoghayaha guud ee xisbiga talada haya ee KULMIYE,  Kayse Xasan Cige, Agaasimaha guud ee Wasaaradda  Qoyska iyo shaqada Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha dallada SONYO Yaxye Maxamed Ubaxle, xildhibaano  Baarlamanka Somaliland  ka tirsan, Aqoonayano iyo dhalinyaro ka socotay  jaamacaddaha dalka.

 

 


Agaasimaha dallada dhallinyarada SONYO Siciid Maxamed Axmed oo faahfaahin ka bixiyey ujeedada laga leeyahay  kulanka ayaa sheegay  inay  ujeedada kulanku tahay sidii looga wadahadli lahaa, isla markaana laysula  meel  dhigi lahaa siyaasadda qaranka ee dhalliyarada Somaliland, isagoo xusay  in ansixinteedu laf-dhabar u tahay siyaasadda Somaliland. Wuxuuna  ugu baaqay xukuumadda cusub ee Madaxweyne Siilaanyo  inay meelmariso siyaasadda heer qaran ee dhalinyaradda  Somaliland.

 

 

Sidoo kale  Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda, Ciyaaraha iyo Dhaqanka Maxamed Ibraahim Madar oo hadal kooban ka jeediyay halkaa, ayaa dallada SONYO ku ammaanay sida ay isaga  xilsaaraan  horumarinta iyo taabo-galka dhallinyaradda Somaliland.
“Qorshaha siyaasasada heer qaran ee dhalinyaradda Somaliland, waa iyada oo laga duulayo hirgelinta siyaasadda dhalinyadda Somaliland, oo ay laf-dhabar u yihiin SONYO, UNICEF iyo dhalinyaradda  Somaliland. Annaguna Wasaarad  ahaan waxaannu dammaanad qaadaynaa wax kasta oo sahlaya hirgelinta siyaasaddaa iyo horgaynta Golayaasha kala duwan ee Qaranka,” ayuu yidhi Wasiirku.
Agaasimaha waaxda dhalinyaradda ee Wasaaradda ciyaaraha Sayid Cumar, ayaa isaguna ka hadlay halkaa  wuxuuna  sharaxaad dheer ka bixiyey geedi socodkii iyo maraxaladii  ay soo martay  dejintii siyaasadda  qaranka  ee dhalinyaradda Somaliland, isagoo  tibaaxay in shirkii ugu horreeyey ee arrintaa lagu gorfaynayay la qabtay 2006-dii, isla markaana sannadkii 2007,  la qabtay shir kale oo arrintaa lagu falanqaynayay.

Waxa iyaguna kulankaas hadalo ka soo jeediyey masuuliyiinta ay ka midka yihiin Gudoomiye-ku-xigeenka kobaad ee UCID,  Aadan Maxamed Mire Waqaf, Xogahaya Guud ee xisbiga talada haya ee KULMIYE,  Kayse Xasan, Xildhibaan Axmed  Ducaale Bulaale, Agaasimaha guud ee Wasaaradda  Qoyska iyo shaqada Baashe Yuusuf Axmed, la latiyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhalinyarada Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi, Prof. Aadan  Xaaji Cali iyo Maxamed Cumar Carte, waxaanay dhamaantood tilmaameen muhiimadda dhallinyaradu dalka u leedahay iyo sida loogu baahan yahay in la meelmariyo siyaasadda heer Qaran ee dhalinyarada oo ay sheegeen inay  muhiim u tahay horumarkooda dhalinyaradda Somaliland.

Gabagabadii kulankaas, waxa lagu magacaabay guddi loo xilsaaray dardargelinta siyaasadda heer Qaran ee dhallinyaradda  Somaliland.
Magacyada xubnaha la magacaabay waxa ay kala yihiin sidan:-
1- Sayid Cumar
2- Pro. Aadan Xaaji Cali
3- Maxamed Cumar Carte
4- Maxamed Axmed Maxamed (Barawaani).
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *