Hargeysa (ANN) Xukuumada Somaliand ayaa soo bandhigtay Hub iyo Waxyaabaha  Qaraxyada loo adeegsado oo lagu soo qabtay maalmihii u danbeeyay hawlgalo ay qaadeen Ciidamada amaanku oo ujeedadoodu ahayd sidii looga hortegi lahaa falal

 cadawga Somaliland maleegayay oo la doonayay in lagu wiiqo nabadgelyada Somaliland.
Hawlagaladaa oo ay Ciidamada amaanku kusoo qabteen hub kala duwan waxyaabaha kiimik ka mid ah shaqsiyaadkii ku hawlanaa arrimahaa, waxaana hawlgaladaa oo laga fuliyay magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera. Sidaana waxa maanta shaaca ka qaaday Wasiiradda arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, warfaatinta C/laahi Jaamac  Cismaan iyo taliyaha guud ee ciidanka Booliska Somaliland Gen. Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal). Iyadoo masuuliyiintaasi kulan saxaafadeed ay maanta  ku qabteen xarunta Taliska Ciidanka Birmadka ee Magaalada Hargeysa kusoo bandhigeen waxyaabahaa.

Taliyaha guud ee ciidanka Booliska Cilmi Rooble furre oo sharaxaad ka bixinayay waxyaabaha ay soo bandhigeen ayaa sheegay inay hubkaa iyo waxyaabaha loo adeegsado qaraxyada ee ay soo bandhigeen ku guulaysteen iskaashi   ay yeesheen  ayaa sheegay in qabashada walxahan qarxa iyo hubka labada ay ku guulaysteen shacabka reer somalland iyo Boolisku,  waxaanu yidhi “Runtii dadweynaheenu hadh iyo habeenba way nala shaqeeyaan, waanan ku amaanaynaa, waxaa aanu meesha soo dhignay oo dhan noomay suurtogasheen haddii aanay dadweynuhu nagala qayb gelin, shacabka iyo Booliskii soo qabtayna waan ku amaanayaa” ayuu yidhi.
Taliyaha Boolisku wuxuu isagoo sharaxaya waxyaabahaa yidhi,  “Alaabtaa yaryar ee aad wada arkaysaan waa wada Remote iyo balaaayo, waxaana lagu qarxin karaa 16 meelood, waxaanay isugu jirtaa arrimo budhcad badeednimo iyo waliba qolada kale ee alshabaab. Qoryahan waxa laga keenay xamar, raggii qaraxyadaas fulinyayna way joogaan.
Waxa kale oo jira doonyo la iibiyay, mana garanayno in dekedeena iyo waliba meelaha kale ee muhiimka ah la doonayay in la qarxiyo, doonta la iibiyay ee aanu hada hayno in lagu soo jeediyo oo waxyeelo la gaadhsiiyo iyo in badda lala galo oo maraakiibta lagu qafaasho laguna waxyeeleeyo labadaas mid uun bay ahayd” ayuu yidhi taliyaha guud ee ciidanka Booliska Somaliland Gen. Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal)

sidoo kale Cumar C/laahi Qaasaali oo  ah madaxda miinada  ciidanka booliska oo sharaxaya waxyaabahaa ayaa yidhi, “Waxyaabahan waxa lagu soo qabtay magaalooyinka Burco, Berbera iyo Hargeysa, waxaanay ka kooban yihiin dhamaanba waxyaabaha ay adeegsadaan nimanka la yidhaahdo argagaxisadu.
Waxa iminka soo baxay oo waxyaabihii hore ee aynu naqaanay ee miinooyinka iyo wixii la hal maala ahaa bedelay waxyaabo yaryar oo lagu sameeyo guryaha, taas oo qofkii awood u lihi uu si hawl yar u samayn karo, taas oo lagu layn karo dad badan iyo hanti dhana lagu burburin karo, waxyaabaha ay hada ciidamada boolisku soo qabteena waxa ka mid ah Remote Control ay ugu talo galeen in ay meel fog qofka ama meesha ay markaas beegsanayaan ka dilaan, waana 12 xabo oo waxyeelayn kara 12 goobood, awoodooduna aad iyo aad bay u badan tahay” ayuu yidhi Cumar Cabdillaahi, Waxa kale oo uu intaa ku daray in qabashada ay ilaa hada ciidamada boolisku soo qabteen waxyaabahan iyo raggii loo aanaynayay in ay ku hawlgalaan ay markhaati cad u tahay in ay dalka ku sugan yihiin isaga oo arrimahaas faah-faahin ka sii bixinayana waxa uu yidhi “Marka Burco lagu qabtay, Berbera lagu qabtay ee Hargeysa lagu qabtay waxa ay inoo muujinayaan in ay nimankii inala joogaan, taasina maaha mid naga dahsoon ee waanu ka war haynaa, aqalka ay ku jiraan iyo halka ay joogaanbana waa la og yahay, laakiin waxa aanu doonaynaa in aanu gunta gaadhno oo aanu ogaano halka ay ka soo baxayaan iyo cida soo diraysa labadaba.”

Wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta  Cabdillahi Geel-jire, ayaa isaguna yidhi “Aniga oo magaca xukuumada ku hadlaya waxa aan halkan mahad balaadhan uga soo jeedinayaa ciidamadeena amaanka ee kala duwan, waxaan maanta halkan baaq balaadhan uga jeedinayaa umadda reer somaliland waxaana  ugu baaqi lahaa inay ciidamada la shaqeeyaan oo  nabada ilaaliyaan, wixii ay arkaana ay soo gaadhsiiyaan ciidamada ugu dhaw, waxaana  qabaa inay wasaaradu diyaarin doonto numbaro deg-deg ah oo lagala soo xidhiidho, laakiin inta ka horeysa anaga oo og in ay dadku dedaalaan wixii ay arkaana booliska u soo sheegaan, waxaana loo baahan yahay inay feejignaadaan  oo wixii ay arkaana deg-deg u soo gaadhsiiyaan ciidanka booliska”

 

Gabagabadii  waxa halkaa  ka hadlay wasiirka arrimaha gudaha   Dr. Maxamed Cabdi (Gaboose) waxaan hadalkisii  ka mid ahaa “Casharka maanta miiska yaalaa waxa weeyaan maxaan ka baran karnaa, horta marka ugu horesa waxa aan ilaahay ka sokow aan mahad balaadhan u celinayaa ciidamada amaanka oo uu ugu horeeyo Boolisku, oo aan ogahay in hawsha ay qabanayaan ee ay ku dabo jiraan waxa miiska saaran in aanay 5% dhamayn, waxan maanta ay ciidamada boolisku soo qabteena waxa ay dadka ugu soo gudbiyeen inay tusaan in la dhex joogo oo ay dalka ku sugan yihiin cidii nabadgalyada iyo qaranimada Somaliland wax u dhimaysay, waxa kale oo ay muujinaysaa dedaalka ay hayaan, waxa kale oo aan iyagana mahad u jeedinayaa shacabka reer Somaliland, waayo hawlgalada intaas le’eg iyo kuwa kale ee aan idin leeyahay 90% way jiraan dhamaantood waxa ka danbeeyay muwaadiniinta reer Somaliland oo iskood isku xil qaamay,”

 

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Dr. Gaboose ayaa ugu baaqay guud bulshada  Somaliland inay ka feejignaadaan oo ay indho dheer u yeeshaan cadawgooda, isagoo yidhi, “Waxa aan shacabka reer Somaliland xusuusin lahaa inay dareemaan in cadawgii uu dhex joogo iyaga oo dad shiciba  ah, waa in aynu jaararkeena ka war hayno, in gawaadhida la kiraysanayo laga warhayo, in doonta la kiraysanayo laga warhayo.”
Inkasta oo ay Masuuliyiintu xuseen inay jiraan dad ay falalkaa u qabteen ciidamadu. Balse ma  sheegin tirada dadka ay qabteen ee hubka iyo waxyaabaha loo adeegsado qaraxyada sitay. Hase yeeshee waxa maalmihii lasoo dhaafay oo ay Ciidamada amaanku hawlgaladaa wadeen laga qabtay magaalooyinka Burco iyo Hargeysa dad loo aanaynayo inay maleegayeen qorshayaal nabadgelyada Somaliland lagu burburinayo.
Khamiistii todobaadkan ayaa madaarka magaalada Berbera laga qabatay Nin u dhashay Koonfurta Somalia oo la socday diyaarada oo sitay waxyaabaha kiimikada oo Budo ah, taas oo waxyeelo kasoo gaadhay gabadh askariyad ah oo baadhe ka ah madaarka. Sidoo kale waxa isla maalintaa magaalada Berbera laga qabtay ilaa inta la laga warqabo Nin kale deegaanka Berbera ah, kaas oo lagu qabtay Hub iyo waxyaabo kale, isla markaana la   rumaysan yahay  inuu ahaa xidhiidhiyaha koox ka mid ah kooxha doonayay inay fuliyaan hawlagalo lagu waxyeelaynayo amaanka Somaliland oo dhinaca Badda iyo Berigaba la doonayay in laga fuliyo.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *