Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta soo hugufay   magacyada 18 Agaasime guud, kuwaas  oo Madaxweynuhu  u magacaabay Wasaaraddo kala duwan, iyadoo magcaabista masuuliyiintan in badan loo dhegtaagayay,

 isla markaana ay naawilayeen inay kusoo baxaan Liiska magcaabista dad badan oo u xusul duubnaa xildoonimada.

Magcaabista uu maanta Madaxweynhu soo saaray oo lagu shaaciyay  War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada  ayaa isagoo dhammaystiran u dhignaa sidan:
“Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO),  waxa uu Maanta soo saaray Digreeto Madaxweyne oo uu ku magacaabay Agaasimayaasha Guud ee Xukuumada JSL.
Waxaanu Madaxweynuhu Digreetadiisa ku Yidhi Sidan:-
Markaan Arkay: Qodobka 90aad faqradiisa (3)aad, Xarafka (kh) ee Distoorka Qaranka,
Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha guud u leeyihiin Dhismaha Qaranka,
Markaan Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan hoos ku xusan.
Markaan La Tashaday: Madaxda ay khusayso
Markaan ku qancay: in ay buuxin karaan, aqoon iyo kartina u leeyihiin jagooyinkan.
Waxaan go’aansaday
In Mudane, Cabdilaahi Xueen Cige (Blacki), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Daakhiliga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL.
In Mudane, Axmed Cabdilaahi Rooraaye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Dibu-dejinta ee Wasaaradda Arrimaha Guduaha ee JSL.
In Mudane, Cali Maxamed Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Waxbarashada ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee JSL.
In Mudane, Khadar Axmed Diriye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee JSL.
In Mudane, Maxamed Axmed Maxamuud (Cagaweyne), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Xanaanada Xoolaha ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee JSL.
In Mudane, Maxamed Muuse X. Cabdi (Galaydh), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee JSL.
In Mudane, Salaan Cabdi Cige, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Warshadaha ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshdaha iyo Dalxiiska ee JSL.
In Mudane, Cabdilaahi Cabdi Axmed (Kubado), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Ganacsiga ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshdaha iyo Dalxiiska ee JSL.
In Mudane, Faysal Cali Sheekh, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta ee JSL.
In Mudane, Cabdi Axmed Nuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ee JSL.
In Mudane, Maxamed Faarax Xirsi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista iyo Hawada ee JSL.
In Mudane, Cabdikariim Xaashi Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga ee JSL.
In Mudane, Ibraahin Ismaaciil Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee JSL.
In Mudane, Axmed Nuux Caalin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta, Tamarta iyo Biyaha ee JSL.
In Mudane, Mustafa Maxamed Qodax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka ee JSL.
In Mudane, Maxamuud Raage Ibraahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda ee JSL.
In Mudane, Axmed Dalal Faarax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta ee JSL.
In Mudane Axmed Xasan Nuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Maamulka Mucaawimooyinka ee (WFP).”

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *