ALT: "Caddami" AraweeloNews ArchiveAxmed Xaaji Cali Caddami, Image Araweelo News Networ, Archive 3 October 2010

 Hargeysa(ANN) Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa dareen damqasho leh ka bixiyey afduub todobaadkii hore loogu geystay magaalada Laasqoray shan qof oo muwaadiniin  Somaliland ah,

 islamarkaana u shaqaynayay shirkadda Isgaadhsiinta ee NATION-LINK.

Wasiir Caddami, oo maanta xafiiskiisa waraysi gaara ku siiyey Telefiishanka HORN CABLE TV,  wuxuu sheegay falka afduubka ah ee Laasqoray ka dhacay inuu yahay mid shakhsi ahaan iyo masuul ahaanba si gaara u damqaya, isagoo arrintaa  ku sifeeyey talaabo fool xummo ah oo ay fuliyeen dad nabadgelyada ka soo horjeeda.

Wasiirka oo ka hadlay guud ahaan xaalada ammaan ee dalka wuxuu madaxdhaqameedka iyo shacabka ku nool Laasqoray ugu baaqay inay si wada jir ah uga hawlgalaan sii deynta muwaadiniinta afduubka lagu haysto, isagoo hoosta ka xariiqay Laasqoray inay ahaan jirtay magaalo lagu tilmaamo ilbaxnimmo iyo xadaarad fog.

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami,  ayaa sheegay in nabadu tahay halbowlaha nolosha iyo horumarka, waxaanuu sheegay dhacdadii bishoo hore ay ciidamo hubaysani si qarsoodi ah ugaga soo dageen xeebaha Galbeedka ee Jamhuuriyada Somaliland si ay ugaga duulaan dalka Itoobiya ay ahayd talaabo lagu waxyeelaynayo sumcada Somaliland isla markaana karaamada lagaga ridayo Somaliland, waxaana uu tilmaamay in guud ahaan ay adkayn doonaan amaanka dalka si aanay mard anbe u dhicin cid si dhayal ah iskaga soo gasha dhulka Somaliland
.
Ugu danbayntii wasiirku waxa uu guud ahaan umada Somaliland kula dardaarmay inay wadajir uga shaqeeyaan ilaalinta iyo jiritaanka nabada oo si weyn hadh iyo habeen loo foojignaado ciidamada amnigu gacan lagu siiyo hawlaha amaanka.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *