Hargeysa(ANN)Xukuumada Somaliland  ayaa markii u horeysay siyaabo kala duwan uga hadashay falkii qaraxa ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaas oo tirada dadka ku dhintay

 

gaadhayaan ku dhowaad 75 qof,   isla markaana ay ku dhwaacmeen 160 qof, waxayna Xukuumadda Somaliland  tacsi u dirtay shacabka iyo dowlada Soomaaliya, iyadoo ka tacsiyaysay dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhawaacmayba.
Wasiirka arrimaha Debeda Dawlada Somaliland Dr. Maxamed C/llaaahi oo maanta saxaafada la hadlay ayaa yidhi, “Waxaanu ka tacsiyadeyneynaa anigoo ka xun  dhibaatadii ku dhacdey shacabka Soomaaliya,  khaasatan shacabka ku nool magaalada Muqdisho weererkii ay ay Salaasada  argagixisadu ku qaaday dad farabadan oo maati ah  oo arday u badan naftoodii ku waayeen,”
Wasiirka Khaarajigu waxa uu falkaasi ku tilmaamay  mid argagixiso oo  oo lagu bartilmaameedsaday dad aan waxba galabsan, isagoo yidhi “Weerarkii ismiidaaminta ahaa oo ay argagixisadu ku soo qaaday sidaanu wararka ku heyno waxaa halkaasi ku nafwaayey dad aad u badan oo shacab u badan wax dambi ah oo ay galabseena aanay  jirin. arrintaasi xukuumada Somaliland iyo shacbigeeduba aad iyo aad ayey uga xun yihiin waxaanuna halkan ka cambaareyneynaa argagixisada faldambiyeedka intaa le’eg gashay.”
“Waxaanay khatarahani muujinaysaa culeyska iyo khataraha ku wajahan Geeska Afrika  ee ay ku hayaan kooxaha nabad diidka ee ladagaalama bini’aadanimada ee argagixisada, arrintaasi waxaan caalamka ugu baaqaynaa in gargaar u fidiyaan dadka halkaas ku waxyeeloobey,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi.
Wasiirku waxa uu ku dooday inay  la dagaalanka argagixisada lagaga hortagi karo iskaashi  “Arrintaasina waxaan aaminsanhay in iskashi lagaga bixi karo oo shacabka soomaaliyeed iska garabsadaan xukuumad iyo shacaba sidii looga hortagi lahaa in ay arrimahaasi oo kale ay dhacaan,”ayuu intaasi raaciyay
Wasiirku  waxa  uu shacabka Somaliland ugu baaqay in ay feejignaadaan, sidoo kalena ciidamada Somaliland booliska iyo Milatarigaba  ugu baaqay inay heegan noqdaan, isagoo  yidhi, .  “Waxaan  shacabka Somaliland ugu baaqeynaa in ay kor dhiyaan oo ay laba laabaan oo feejignaadaan  oo sidii  hore ee ay ku ilaashanayeen xasiloonidooda ee ay ku ilaashadaan  nabad galyadooda.”
“Ciidamada nabadgalyada ee qaranka Somaliland sidii caadadu ahayd ee horeba looga bartay waxay had iyo jeer heegan ugu jiraan sidii ay u difaaci lahaayeen qarannimada dalka iyo wixii kale dhibaatooyin u keenaya wadanka  waxaanan ku kalsoonahay in arrintaasi tahay arrin gacanta shacabka Somaliland iyo ciidamada nabad galyada ku jira.”
Wasiirku waxa uu sheegay inay falalka noocan ahi  Somaliland sii geliyeen  heegan buuxa, isagoo  yidhi,  “Xukuumada Somaliland waxay sii kordhineysaa dedaalkii ay hore ugu jirtey ee sugida amniga iyo lashaqeynta caalamka sidii ay waligeedba ay ula shqeyn jirtey sidii loo yareyn lahaa khataraha argagixisada iyo budhcad badeeddaba.”
Dhinaca kale Wasiiradda waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo maanta ka hadashay falkaa ayaa ku tilmaantay mid waxashnimo ah oo wax laga xumaado ah, waxayna  sheegtay inay ka xun tahay ardaydii ku dhimatay iyo kuwii ku dhaawacmay  qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Salaasadii ka dhacay magaalada Muqdisho.
Waxayna iyadoo arrintaa ka hadlay tidhi, “Anigoo ku hadlaya magaca Wasaarada waxbarashada iyo xukuumadda Somaliland waxaanu ka xun nahay qaraxii arxan darrada ahaa ee Salaasadii ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaanan  tacsiyeynaynaa waalidiintii ardaydoodu ku geeriyootay  iyo kuwii ku waxyeeloobayba Waxaan leeyahay qoysaskii carruurtoodu ku dhinteen Illaahay  ha idinka cawilo oo bedel khayr qaba ha idin siiyo,”
Dhinaca kale Wasiirka Waxbarashadu waxay sheegtay in ardayda  Somaliland ee waxbarshada ka helay dalka Turkiga oo weli  ku sugnaa magaalada Muqdisho ay ka badbaadeen qaraxaa,  kuwaasi oo sugaya diyaarada Turkish Airways oo Jimcaha iman doonta halkaasi aanay gabi ahaanba cidna waxba kaga noqon oo ay degan yihiin 17 Arday oo weli joogaa Muqdisho ay la xidhiidheen markii shalay qaraxu dhacay, isla markaana ay degan yihiin xarun dawladda Turkigu ku leedahay halkaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *