Nairobi(ANN)Raysal -wasaaraha Dalka Kenya  Raila Odinga ayaa  markii u horraysay ka hadlay aragtidiisa aqoonsiga iyo qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland, isagoo ku tilmaamay inay Somaliland  u qalanto inay aqoonsi caalami ah ka hesho beesha caalamka.

Raysal-wasaaraha Kenya Odinga  waxa uu sidaa ka sheegay. Kadib  markii  uu maanta  xafiiskiisa ku qaabilay  wefti  uu hoggaaminayay Wasiirka Diinta iyo  Awqaafta  Somaliland Sh. Khaliil C/llaahi Axmed  oo gargaar  binu’aadanimo gaadhsiiyey  xeryaha qaxootiga Soomaalidu ay ku jiraan ee dalka Kenya.
Dr. Raila Odinga waxa uu sheegay inuu si mug leh uga warhayo ulana socdo xaalada Somaliland iyo marxaladihii ay soo martayba, isla markaana  waxa uu xusay  inay Somaliland kaalin muhiim ah kaga jirto mandaqada Geeska Afrika , waxaanu ku amaanay  raashinkii iyo dawooyinkii gargaarka ahaa ee ay Somaliland  gaadhsiiyeen Soomaalidii ku tabaaloobay abaaraha iyo macaluusha ba’an ee ka jira dalka Soomaaliya ee ku jira xerada qaxootiga ee Dhadhaab.
Odinga  waxa  uu ka waramay  xidhiidh saaxiibtinimo qoto dheer oo uu tilmaamay inay ka dhaxeysay Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuun Maxamed Ibraahim Cigaal iyo isaga Aabbihii oo ahaa siyaasi caan ka ah dalka Kenya.
Raila Odinga  waxa uu sheegay in Somaliland muddo kooban ay ku gaadhay horumar ballaadhan oo dhinacyo kala duwan leh, waxaanu ku majeertay horumarka isa soo taraya ee ay ka gaadhay dhinacyada nabadgelyada, dawlad wanaagga, dimuqraadiyada, isgaadhsiinta iyo adeegyada kale  ijtimaaciga ah. Sidaa awgeed waxa uu ku dooday inay Somaliland u qalanto aqoonsi caalami ah oo ay ka hesho beesha caalamka.
Dhinaca kale Wasiirka Diinta iyo Awqaafta  Somaliland  Sh. Khaliil C/llaahi Axmed, ayaa Ra’iisal-wasaaraha uga mahad celiyey  sida uu ugu soo dhaweeyay dalka Kenya, waxaanu gaadhsiiyey  salaan uu uga siday Madaxweynaha Somaliland.
“Waxaanu mar labaad uga mahad celinaynaa Raysal-wasaaraha Kenya sida uu  noogu  soo dhaweeyey dalkiisa, waxaanu u soo jeedinaynaa inuu sii xoojiyo xidhiidhka iyo cilaaqaadka labada dal”, ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo  Awqaafta Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *