Muqdisho(ANN) Al-shabaab  ayaa beenisay inuu qofka fuliyay qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah uu fuliyay  wiil u dhashay dalka Kenya oo sita baasabor Kenyaan ah sida uu maanta warbaahinta u sheegay Taliyaha nabadsugida

 

Somalia C/llaahi Xasan Bariise.
Waxayna Al-shabaab oo iyadu sheegatay inay ka danbeeyeen qaraxaasi sheegeen inuu fuliyay Bashaar Cabdulaahi Nuur oo ah wiil Soomaali ah oo  Reer Muqdisho ah, kaas oo sida ay sheegeen laga hagayay gudaha dhismahaa, isla markaana bartilmaameedkoodu ahaa saraakiil iyo ciidan tababar  dhinaca sirdoonka ah loogu dirayay dalka debediisa. 

Sidoo kale Idaacadda ku hadasha Afkaka Shabaabul Mujaahidiin ayaa caawa laga sii daayay codka wiilkaa ay magaciisa ku sheegeen Bashaar oo dardaaran jeedinaya ka hor intii aanu fulin weerarka is qarxinta ah ee gaadhiga loo adeegsaday, Bashaar ayay sheegtay Idaacada ku hadasha Afka Al-shabaab inuu  ahaa wiil kasoo jeedaa qoys caanka ah Muqdisho. Laakiin tafaasiil baddan kama ay bixin wiilka ay magaciisa sheegeen Al-shabaab, waxayna tani meesha ka saartay hadalkii Taliyaha nabadsugida ee ahaa inay weerarka fuliyeen sadex qof, kuwaas oo mid ka mid ah oo Kenyan Basaboor sitay ay ka heleen goobta maydkiisa.

“Magacaygu waa Bashaar C/llaahi Nuur, gaaladu waxay kusoo duuleen diinteena, waxayna hadh iyo habeen ku fekerayaan sidii ay saliib uga taagi lahaayeen dhulkeena, anakana waa inaan u fekernaa inaan Laa Ilaaha Ilalaah caalamka oo dhan ka taagno, waxaan u socdaa hawlgal, waxaan rabaa dhiigayga dheecaankayga iyo jidhkayga isku dhegani inuu finiino oo fartayda oo finiintay inay Murtad ku dhacdo. sidii aan rabn dadka waxaan uga hanbalyaynayaa haddii cadawga waxbadan gaadhaan wasiiro bakhtiyaan, ama saraakiil murtidiina inay ku farxaan meesha waxa ku jira sirtii  dawlada Murtidka ah oo dhan. ”  ayuu yidhi wiilkaa ay sheegeen inuu fuliyay qaraxa oo dardaaran cod ah oo ka hor hawlgalkaa laga duubay, kaas oo laga sii daayay Idaacad taageerta Al-shabaab.
Qaraxaa oo tirada dadka ku dhintay lagu qiyaasay inay gaadhayaan 70, halka  kuwa ku dhaawacmay gaadhayeen  ku dhowaad 120 qof, balse aan tiro sax ah la hayn oo dhimashada iyo dhaawaca dadkii ku waxyeeloobay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *