Hargeysa (ANN) Xukuumadda Somaliland ayaa si dadban faragelin qaawan ugu samaysay dacwada loo haysto Boqor Cismaan Aw Maxamuud  Buur-madaw iyo Masuuliyiinta ay kala dacwada yihiin ee Badhasaabkii hore ee Hargeysa iyo masuuliyiinta la xidhan. Kadib markii ay qaaday

xukuumaddu talaabooyin ay si cad ugu faragelisay  Qareenada  Boqor Buurmadaw ee ay soo saartay qoraal lagaga xakamaynayo inay galaan dacwadahaa.
Qoraalka  faragelinta dacwaddahaa  oo kasoo baxay xafiiska Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid ayaa 9 April  2012, isla markaana ah amar Digreeto uu Maxkamaddaha Dalka ku Amrayo inaanay wax Dacwado ah gali Karin Qareenada aan Wasaaradda Cadaalada ka haysan Ruqsad,  ama aan Cusboonaysiisan Ruqsadaha ay ka haytaan.
Sidoo kale Digreetadiisan uu Maxkamadda Amarka ku siinayo waxa uu ka joojiyay inay Dacwado ka galaan Maxkamadaha Dalka Qareenada ka tirsan Golayaasha Qaranka( Golaha Wakiiladda, Golaha Guurtida iyo Golaha Wasiiradda), Golayaasha Deegaanka, Shaqaalaha Dawladda iyo Ciidamadda.
Digreetada uu Wasiirka Cadaaladda somaliland soo saaray ayaa u qoranayd  sidan:-
Ku: Dhamaan maxkamadaha Dalka.
Og: Xeer ilaaliyaha Guud
Og: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JSL
Og: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda JSL
UJ: Wargelin Maxkamadaha Dalka.
Dhamaan Maxkamadaha dalka, waxaan la socodsiinayaa in aan Qareenada ka hawl-gala Maxkamadaha Dalka aanay badiba Wasaarada Cadaalada ka qaadan Ruqsadii Qareenimo ama cusboonaysiintii Ruqsadiisa ee sanadlaha ahayd sida uu waajibinayo qodobka 2aad(1) iyo qodobka 11-aad (1)(2) ee xeerka qareenada (Xeer lr.30/2004).
Hadaba, hawl galka Qareenka aan haysan Ruqsadii Qareenimo ama aan samaysan Cusboonaysiintii Ruqsadiisa ee sanadlaha ahayd waa sharci daro inuu Maxkamad horteed cid ka difaaco.
Sidoo kale, waxa aanu iyana sharcigu ogolayn, sida uu qeexayo Qodobka 2-aad (2) ee Xeerka kor ku xusan in la siiyo Ruqsad Qareenimo qof ka tirsan Golayaasha qaranka (golaha guurtida, Golaha wakiiladda, iyo Golaha wasiiradda), Golayaasha deegaanka, shaqaalaha dawlada iyo ciidamada.
Sidaas darted, waxa laga codsanayaa dhamaan Guddoomiyayaasha maxkamadaha dalka  inay hubiyaan in qof aan wadan Ruqsadii Qareenimo oo jadiidsan aanu qareennimo kaga hawl galin Maxkamadaha hortooda.” Ayaa lagu yidhi qoraalka uu wasiirka Cadaaladdu soo saaray.
Qoraalkan ayaa kusoo beegmay xili ay Maxkamadda horyaalaan laba dacwadood oo xaasasi ah, isla markaana si weyn loogu hayo indhaha, kuwaas oo kala ah Dacwada Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw), oo mudo bil ka baddan ku xidhan xabsiga dhexe, iyadoo aanay jirin wax dacwad ah oo maxkamad horteeda kaga cadaatay, isla markaana tan iyo markii laga qabtay Madaarka Hargeysa 15 March ayaa markii u horaysay la horgeeyay maxkamadda Axaddii lasoo dhaafay ee 8 April, balse waxa lagu celiyay xabsiga. Kadib markii Xeer Ilaalinta iyo Qaybta Baadhista denbiyada ee CID, ku doodeen inaanay wax dacwad ah u hayn Boqor Cismaan, wuxuuna Garsooruhu u qabtay mudo todobaad sadex maalmood  ah inay Maxkamadda ugu soo gudbiyaan wixii dacwad ee ay u hayaan Boqor Buur-madaw.
Dacawada Bqor Buur-madaw ayaa la filayay inay maalmaha soo socda ka furanto Maxkamadda gobolka Hargeysa, balse qoraalka wasiirka cadaaladda ee soo baxay 9 April, ayaa saamayn ku yeeshay dacawadaa , iyadoo  Qareenada  u doodaya Boqor Buur-madaw  ay ka mid yihiin Garyaqaan Maxamed jaamac  iyo Maxamed Saalax oo labaduba ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland, kuwaas oo si toos ah qoraalka wasiirku uga hor istaagayo inay difaacaan Boqor Cismaan. Sidoo  Garyqaan Maxamed  Siciid oo ka mid ah qareenada dacwada ku qoran ayaa qoraalakani saamayn ku yeeshay, wuxuuna ka hor istaagayaa  inuu qareen u noqdo Boqor Buur-madaw.
Dhinaca kale Qareenada  uu saamaynta ku yeeshay qoraalka wasiirka ayaa la rumaysanyahay inay ka mid yihiin kuwa doonaya inay difaacaan sadex masuul oo ku eeddaysan inay lunsadeen raashin caawimo ah, kuwaas oo aan ilaa hada iyagana kiiskoodu ka bilaabmin maxkmadda, isla markaana mudo ka baddan bilk u xidhan xabsiga Hargeysa, iyadoo aanay jirin maxkamad xukun ku riday.
Si kastaba ha ahaatee talaabada noocan ah ee wasiirka cadaaladdu qaaday ayaa u muuqata mid meel ka dhac ku ah  dastuurka iyo qawaaniinta scaalamiga ah ee  xaqa u siinaya muwaadin kasta  oo loo haysto dacwad inuu xaq u leeyahay inuu helo qareen difaaca, ama uu isagu iska difaaco dacwada loo haysto, isla markaana helo qareen  uga dacwooda oo uga dooda maxkamadda horteeda.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *