Hargeysa (ANN) Xildhibaan ka tirsan Dawlada Federaalka  Somalia ee taagta daran, isla markaana ka mid ahaa dhawr xubnood oo  kasoo jeeda Somaliland , balse aaminsanaa mabda’a  Soomaali weyn, ayaa shalay kasoo  degey  Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International  Airport  ee

 

Magaalada Hargeysa.
Xildhibaankaa oo lagu magcaabo Muxiyadiin  Aw Cali, ayaa  dareeno kala duwani ka dhasheen socdaalkiisa, iyadoo ay soo baxeen warar sheegaya inuu u socdo arrimo siyaasadeed, balse warar xog-ogaal u ah ayaa u sheegay shebekadda wararka ee Araweelonews  in xildhibaanka oo kasoo degey Madaarka shalay ay halkaa ku sugayeen eheladiisa iyo dad kale oo ay saaxiibo yihiin.  Sidoo ila wareedyo ku sugnaa madaarka waqtiga uu kasoo degey ayaa u sheegay Araweelonews in  qoraal cafis ah loo dhigay Madaarka, kaas oo u oggolaanaya inuu soo galo dalka, maadaama uu jiray xeer hore golayaasha sharci dejintu u ansixiyeen oo sheegaya inaan qof u dhashay Somaliland oo ka qaybgala shirarka Soomaali weyn  aanu dalka soo geli karin haddii aanu xukuumadda kasoo dalban cafis. 
Ninkan oo u dhashay deegaanka Hargeysa, isla markaana ay walaalo yihiin sarkaal sirdoonka qaranka Somaliland ah, ayaa kla mid ahaa koox la socon jirtay Siyaasiga Jaamac Maxamed Qaalib  oo hormood u ahaa xubno sagaashanaadkii dhinaca Somalia u wareegay, kuwaas oo ku doodi jiray inay qaateen  mabda’a Soomaali weyn, isla markaana  ka qaybgalay shirarkii dib u heshiisiinta ee loo qabtay Soomaalida dhawr sanadood ka hor. Laakiin intooda badani dib u soo laabatay. Markii ay kasoo quusteen ee uu meelmar noqon waayay fekerkaasi, iyadoo Siyaasiga Jaamac maxamed Qaalib oo ka mid ahaa kuwii hormoodka u ahaa kooxdaasi dhowaan kusoo guraya noqoday dalkiisa, isla markaana cadeeyay inuu iska ilaabay fekerkii iyo mabda’ii uu hore u aaminsanaa ee Soomaali weyn.

 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *