Hargeysa (ANN)Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire ayaa jawaab ka bixiyay eeddo loo jeediyay oo ku saabsanaa inuu lacago muwaacimo ah lunsaday, iyadoo warbaahinta qaarkood ay qorayeen maalmahan inuu la lunsaday lacago, kuwaas oo kasoo yeedhay siyaasiyiin

kala duwan.
Dr. Sacad Cali Shire, waxa uu eedahaa ka bixiyay jawaab cad, isagoo sharaxaad ka bixiyay lacagahaa.  qoraal saxaafada loo qaybiyay oo uu maanta kasoo saaray xafiiskiisa Wasiirka Qorshaynta Qaranka ayaa  u dhignaa sidan:-

“Waxaa jira beryahan dambe eedeymo saxaafadda lagu baahiyey oo ku saabsan leexsad deeqo layna siiyey. Giddigeenba shicib, siyaasiyiin iyo dawladba waxaa xil innaga saran yahay ilaalinta iyo dhowrista hantida qaranka. Dawladdana in la dhaliilaa hanaanka dimuqraadiyadda aynu dooranay ayey ka mid tahay. Waxaase haboon in aynu marka hore fahanno habka deeqda laynoo siiyo.
Waddamada soo koraaya ee la aqoonsan yahay deeqda la siiyo inteeda badan waxaa toos gacanta looga geliyaa dawladda oo lagu kabo miisaaniyaddeeda. Deeqahaa waxaa bixiya dawladdo ama hay’ado (Bilateral Aid). Innaga maadaama aan layna aqoonsanayn deeq toos ah oo lacag ah cid inna siisa ma jirto. Deeqaha layna siiyo oo dhan waxaa laynoo siiyaa si dadban. Waxaa laynoo soo mariyaa hay’adaha qaramada midoobey, hay’adaha samafalka ee caalamiga ah, shirkado gaar ah, ama hay’adaha samafalka ee wadaniga ah. Deeqahaasi waxay inna soo gaadhaan iyaga oo mashaariic ah. Mararka qaar waxaa mashaariicdaas fuliya wasaaradaha iyo hay’adaha dawliga. Mashruuc waliba wuxuu leeyahay ujeeddo, waxsoo saar, daba gal iyo xisaab celin. Waxaan filayaa in aanay jirin welina lama kulmin hay’ad lacag mashruuc loogu talo galay ku shubtay akaawn gaar ah oo masuul qaran leeyahay.
Waxaa iyana jirta su’aalo badan oo layska weydiiyey ujeedada, qaabdhismeedka iyo shaqada hay’ad la yidhaahdo Shirkada Harumarka Soomaaliland (Somaliland Development Corporation) oo ay si weyn isugu hawleen ugana shaqeeyeen muwaadiniin reer Somaliland ah iyo saaxiibo Somaliland oo muhiim ah. Hay’addaas oo laga diiwaan geliyey dalka Ingriiska. Guddida agaasinka hay’addu waxay ka koobantahay xubno muwaadiniin ah iyo xubno iIngriis ah. Haya’ddu waa hay’ad madax banaan oo aan dawli ahayn. Waxay ka koobantahay laba qaybood: Qayb hay’ad samafal ah iyo qayb shirkad gaara ah.
Qaybta samafalku waxay la mid tahay hay’adaha samafal ee caalamiga ah. Ujeedadeedu waxa weeye in ay mashaariic harumar wadanka ka fuliso. Mashaariicdaas oo ay maal gelindoonaan wadamada iyo hay’adaha deeqda bixiyaa. Qaybta shirkadda gaarka loo leeyahay ujeedadeedu waxa weeye in ay soo hagto oo u fududayso sidii ay u maal gashan lahaayeen wadanka shirakaha ajanebigu.
Waxaa iyana hawshiisu socotaa saduuq (Trust Fund) ay wadajir u samaynayaan dawladda Ingriiska iyo dawladda Denmark. Sanduuqa lacagta ku soo dhacda waxaa si toos ah lagu fulindoonaa mashaariic harumarineed. Qaab dhismeedkiisa, iyo hab maamulkiisu weli waa hawl qabyo ah oo socota.
Deeqaha layna siiyaa imminka kama muuqdaan miisaaniyadda dhexe ee dawladda waayo dakhli khasnadda dhexe ku soo dhacay oo dawladdu go’aamiso sida loo isticmaalaayo maaha. Hase yeeshee siyaasadda dawladda ayey ka mid tahay in miisaaniyadda lagu xuso oo lagu lifaaqo warbixin wixii sannadkii hore deeq wadanka soo gaadhay iyo odoros waxay hay’adduhu ugu talo galeen sanadka soo socda iyo meelaha loogu talo galay. Si ay taasi innoogu hir gasho waxaynu u baahanahay in aynu hay’addaha ka hello warbixin iyo qorshayaashooda. Arrinkaasi sidii uu innoogu fulilhaana hawshiisu way socotaa. Sharciga Hay’addaha Samafalka ee uu madaxweynaheenu saxeexay November 2010 ayaa faraaya kuna waajibinaaya hay’adaha in ay xogta wax qabadkooda iyo qorshahoodaba ay u soo gudbiyaan dawladda.
Dawladda madaxweynaheema Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu hoggaaminaayo waxaa ka go’an, siyaasadeeduna tahay in la dhawro oo la ilaaliyo hantida ummadda ama cashuur ha noqoto ama deeq la siiyey ha noqotee. Hawshaana waxaa u xil saaran hay’ado khaas ah sida hantidhawrka iyo hay’adda maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa. Guud ahaanna shacab, baarlaman iyo dawladba waxaa xil innaga saaranyahay dayac ka ilaalinta hantida qaranka. Haddii cidi ku takrifasho ama lagu tuhmo in ay leexsatay wixii lagu aaminay, waxaa loo baahanyahay in hay’adaha sharciga ah ee arrinkaasi khuseeyo la gaadhsiiyo, iyana waxaa ku waajib ah in ay xilkooda gutaan. Taasbaana Saldhig u ah siyaasadda dawladda.” Ayuu yidhi.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *