http://www.mudugmedia.com/uploads/content/photo/390.jpgHargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland, ayaa ka digtay cawaaqibxumo ka dhalankarta sheegashada Dastuurka Somalia loo sameeyay ee lagu xusay gobolo Somaliland ah. sidaana waxa shaaca ka qaaday Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo

 

arrintaa ku tilmaamay inay nabad-gelyo xumo hor leh u horseedi doonto mandaqada.
“Marka ugu horreysa aad-baanu ugu faraxsan nahay hawlaha qaran dhiska ah ee ka socda Soomaaliya iyo shuruucda iyo hay’addaha qaranka ay Soomaaliya ku samaynayso, sidii nabadgeliyaddeeda iyo dalkeeda iyo ummadeed u aslaaxiso.Waayo in badan Soomaliya waxaa ka tagnayd amni -darro iyo xukuumad la’aan iyo kala dambayn la’aan.”ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar oo waraysi uu arrintaa kaga hadlayo siiyay Idaacada Laanta af-soomaaliga ee BBC-da.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland waxaa uu sheegay inay Soomaaliya fara-gelinta tooska ah ka dayso Somaliland isagoo arrimahaas ka hadlay wuxuu yidhi “Hase-yeesha wax kale oo noo muuqata arrimo aanu u arkayno faro-gelin halka (Somaliland), tusaale ahaan waxaanu maqlaynay ergooyin ka socda magaalooyin iyo degmooyin ka mid ah jamhuuriyadda Somaliland oo ay Somalia sheeganayso inay ka qaybgaleen shirka ka socda Somalia arimaha xag xadka iyo goboladda ee distuurkan Somalia loo samaynayaa sheeganayo.Waxaanu arrimaha u aragnaa faro-gelin toos ku ah jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu Soomaaliya ugu baaqayna beesha caalamkana aanu u sheegaynaa in arrinta la joojiyo, sababtoo ah  waxay keeni kartaa caqabad hor leh iyo amni xumo hor leh oo ka dhacda geeska afrika.”
Dr . Maxamed Cabdillaahi Cumar waxaanu hadalkiisi sii raaciyey “Dhinaca kale Somaliland waa dal madaxbannaan oo sharciyo iyo distuur ayuu dalkani ku dhisan yahay iyo golayaal qaran arrimihiisana sida ay beesha caalamku ka war hayso wuxuu u maamusha si madax bannaan oo gaar ah. Inkastoo weli Somaliland helin ictiraaf taam ah oo siyaasadeed, hase-yeeshee Somaliland ictiraafku mushkulad weyn oo uu hadda kala maqan yahay ma jirta waa dal madaxbannaan dunidu kala shaqayso. Waxaanu Soomaaliya ugu baaqayna inay arrina ixtiraamto oo aanay hurin nabadgeliyo xumo cusub oo geeska afrika ka dhalata.”
Sidoo kale isagoo ka hadlaya rrimaha distuurka ee Soomaaliya loo ansixiyey wuxuu yidhi,  “Arrimahaasi waxay ahayeen dodo u gaar ah Soomaaliya oo ku salaysan waxan loo yaqaano dariiqa nabadda ama Road Mapka oo aanay Somaliland xubin ka ahayn kana qaybgelin kana mid ahayn, horena mowqifkeeda ayay marar badan Somaliland caalamka iyo Somaliyaba u caddaysay Somaliland iyo Somaliya waxa la filaya dhawaan marka dawlad loo samayo Soomaaliya in waddahadaladii laba geesood inay dib u bilaabmaan oo laga waddo hadalo.Somaliland iyo Somaliya waxa ka dhexeeya wadahadal dhexmara oo beesha caalamkuna goob joog ka tahay, wadahadaladan anigu ujeedadaydu maaha sida aanu ka maqalay siyaasiyiin Soomaaliyeed waxa laga waddahadalay midow Soomaaliyeed maaha, waxaanu ka hadlaya ixtiraam iyo oggolaansho uga helo jaar wanaag iyo qadiyadda madaxbannada Somaliland ee ay shacabkeedu goosteen ee distuurig ah oo ummadan iyo dalkani difaacayo oo uu ilaalinayo.”
“Hase-yeeshee wixii wadahadaladda ka badan ee hadal ah ama sheegasho ah oo haddii ay tahay goboladda Somaliland iyo haddii ay tahay xubno la sheegayo ergooyin intaba waxay u muuqadan faro-gelin,faro-gelintuna waxay keenta colaad hor leh.Anagu waxaanu nahay dal jaar wanaaga ilaaliya nabadgeliyo kula nool waddamadda geeska, waxaanu jeclahay inay Soomaaliya arrinta aad iyo aad u ilaaliso,”ayuu yidhi Wasiirku, isagoo dhinaca kalena dadkii ka qaybgalay shirkaa in sharciga la marinayo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *