Hargeysa(ANN)Masuuliyiin ka socday Xisbiyada qaranka iyo Ururada siyaasada, ayaa kulan al-baabada loo xidhay la yeeshay xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, kulankaa oo maanta ka dhacay xarunta komishanka, ayaa ahaa mid aan saxaafada loo ogalayn, balse

 

ujeedadiisa ahayd qaabkii ay doorashadu u qabsoomi lahayd.
Kulankaa kadib ayay  warbaahintu wax ka weydiiysay xubnaha ka qaybgalay iyo waxyaabihii laga wada hadalay, waxayna  qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ururada iyo xisbiyada qaranka oo sharaxaad ka bixiyay waxyaabihii ay labada dhinac ka wada hadleen sheegeen in ay ujeedada ugu weyni ee kulanku ahayd  sidii looga wada tashan lahaa qaabka ugu habboon ee ay u qabsoomi karaan doorashooyinka golaha deegaanka dalka.
Guddoomiye ku-xegeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo ka waramay waxbaaha shirkan laga wada hadlay ayaa saxaafada u sheegay in kulankan ay kaga wada xaajoodeen habka ugu habboon ee loo qaban karo doorashooyinka golayaasha deegaanka ee dalka, isla markaana ay waxbadan iska waydiiyeen.
Sidoo kale waxay sheegeen msuuliyiinta ka socotay ururada iyo xisbiyada in laga wada hadlay sidii ay doorashadu ku dhicilayd inta ka horaysa dhammaadka sannadkan, iyagoo intaas ku daray inay ka wadda xaajoodeen sidoo kale astaamaha  musharixiinta oo ku jiray Xeerkii ay dhawaan Meel mariyeen Golayaasha Sharci dejinta ee Baarlamanka.
Cali Maxamed Yuusuf (Cali –gurey ) oo ka tirsan masuuliyiinta Xisbiga UCID, isla markaana  kana qayb galay shirkan maanta ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin su’aalaha dul-hoganaaya qabsoomidda doorashooyinka golaha deegaanka oo uu ku tilmaamay mid guul darro u muuqata in xukuumadda oo talada haysay muddo 2 sanno ah ay aanay wali ku guulaysan qabashada doorasho kaliya.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *