Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa saaka xili hore kormeer kedis ah ku tegey xarunta dawladda Hoose ee Hargeysa, iyadoo aanay xiligaa wax shaqo ahi ka socon, isla markaana ay ka maqan yihiin masuuliyiintii sida

 

maayarkii iyo ku xigeenkii caasimada.
Qoraal kooban oo  markaa ka dib kasoo baxay Madaxtooyada, ayaa lagu sheegay waxyaabaha Madaxweynuhu kala kulmay kormeerkaa, qoraalkaa oo kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa u qornaa sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa Saaka subaxnimadii hore markay saacadu ku beegnayd abaaro 8:00 Am, kormeer Kedisa ku soo maray habsami u socodka Xarunta Dawlada hoose ee Hargeysa
Madaxweynuhu waxa uu kormeerkiisa ku eegayey sida ay hawlaha shaqada ee Dawlada hoose u socodaan, iyo sida ay shaqadu uga socoto waaxyaha kala duwan ee ay ka kooban tahay, waxa uu kula kulmay xoghayaha fulinta ee dawlada hoose ee hargeysa, Mudane Mowliid weris Cabdilaahi oo isagu ahaa masuulka keliya ee madaxweynuhu kula kulmay xafiiskiisa  halka uu ka maqnaa ku simaha Maayirka ahna ku xigeenka Maayirka Caasimada Mudane, Maxamuud Cabdilaahi Uur-cade, halka uu dalka ka maqan yahay maayirka Caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamud Jiciir, oo isagu ku maqan Dalka Debediisa.
Xoghayaha Dawlada Hoose waxa uu madaxweynaha warbixin kooban ka siiyey sida ay hawlaha dawlada hoose u socdaan iyo waxa u qabsoomay mudooyinkii u danbeeyey gaar ahaan saddex biloodkan danbe,
Intaa ka dib waxa uu madaxweynuhu kormeer ku maray Xafiiska Agaasimaha Maamulka Shaqaalaha, Xafiiska Kaydka Faylasha, Xafiiska Kala wareejinta Dhulka iyo qabashada lacag qalaad iyo Xafiiska Waaxda Cashuuraha oo madaxweynaha warbixin dheer ka siisay wixii u qabsoomay Saddex biloodkii u danbeeyey iyo lacagaha u soo xarooday.
Madaxweynaha Jamhuuriayda Somaliland waxa kormeerkiisan kediska ah ku wehelinaayey
1.     Taliyaha Booliska JSL
2.     Taliyaha Ciidanak Ilaalada madaxtooyada JSL
3.     Taliye ku xigeenka Asluubta
4.     Badhasaab ku xigeenka Gobolka Maroodi-jeex
5.     Wasiirka Arrimaha Gudaha
6.     Wasiirka Madaxtooyada
7.     Protocolka Madaxtooyada.”

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *