Hargeysa (ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa maamul goboleedka Puntland uga digtay inay fara gelin ku sameeyaan wada hadalada nabadeed ee ka socda deegaanka duleedka Buuhoodle, halkaas  lagu heshiisiinayo labada beelood ee dhawaan ku diriray deegaanka Kal-shaalle. Kadib sida ay

sheegtay xukuumadda Somaliland markii ay heshay warar sheegaya inay maamulka Puntland halkaa usoo dirayaan  wasiiro ka tirsan maamulkooda iyo siyaasiyiin, kuwaas oo doonaya inay tagaan madasha ay wada hadaladu ka socdaan, waxayna sheegtay xukuumadda Somaliland inay   Ciidamada ammaanku ka celin doonaan haddii ay isku dayaan inay yimaadaan deegaamada Buuhoodle.
 Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Cismaan Garaad Soofe, oo  maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa si adag  uga hadlay mawqifka xukuumadda Somaliland ee kooxda Puntland haddii ay isku dayaan inay yimaadaan madasha wada hadalku ka socdo .
Sidoo kale Mr. Soofe ayaa  faah faahin ka bixiyay halka ay marayso nabadeynta labadaa  beelood waxaanu yidhi “Waxaan doonayaa inaan shirkan jaraa’id kaga hadlo dhibaatada ka dhacday meesha la yidhaahdo Kal-shaalle ee u dhaxeeya Qori-lugud iyo Buuhoodle, waxa dhibaato ka dhex dhacday laba beelood oo walaalo ah oo dhaqan iyo dhiigba wadaaga. Waxaan tacsi u dirayaa dadkii halkaasi ku geeriyooday qoysaskoodii iyo qaraabadoodii waxaan ILAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii janada fardawsa ka waraabiyo maalin ciid ah ayay dhibaatadaasi dhacdaye’e.”
Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Gudaha oo ka hadlayay dhinaca shaqaaqadaasi wuxuu yidhi “Isku qabashada labadaasi beelood ee isku qabtay baraago ayaanu qodaynaynaa iyo qodanaynaa waxay dhacday oo ay bilaabantay bishii October xiligaasi oo aanu tagnay anigoo watay wefti aan gudoomiye u ahaa waxaanu la hadalay waxgaradka labada beelood. Waxaanu kala hadalay in mar dambe la isu yimaado. Shaqaaqadani markii imika ay dhacday waxa loo diray wufuud balaadhan oo ka kooban Golaha Wasiirrada, Guurtida, Baarlamaanka, Salaadiin iyo Xisbiyada. Dawlada Somaliland waxay doonaysaa inay waardiye ka hayso nabadgelyada aynu ku caan baxnay. Labada beelood ee shaqaaqadu dhex martayna labaduba waxay sameeyeen tanaasul iyo arrin fiican oo waxay doonayaan u diyaar garoobeen inay wada hadlaan. Shalay labada beelood mid ka mid ah ayaa sheegtay inay qaadanayso ergada iyo Nabadda.qoladii kalena maanta ayaa loo fadhiyaa meesha la yidhaahdo Maygaagle.”
Md. Cismaan Garaad Soofe wuxuu sheegay inaanay Somaliland ogolayn inay goobaha lagu heshiisiinayo labadaasi beelood ay ka soo qeyb galaan siyaasiyiin ka socda maamul goboleedka Puntland, waxaanu yidhi “Waxa jira oo aan doonayaa inaan sheego koox siyaasiyiin ah oo ka soo jeeda meesha la yidhaahdo Puntland oo ay Wasiirro iyo rag siyaasiyiin ah oo doonaya inay yimaadaan meesha lagu wada hadal siinayo beelahaas, ma ogolin in wax shaqaaqo ah iyo wax isku dir ah iyo wax dhibaato ah laga dhex dhaliyo labadaa  beelood ee arrintoodu meesha fiican marayso,  waxaanay arrintoodu taagan tahay wada hadal iyo meeshii lagu wada hadli lahaa. Arrinta ay u socdaan waa inay shaqaaqo hor leh iyo isku dirid ay  ka sameeyaan. Waanu uga digaynaa kooxda Wasiirrada sheeganaysa iyo dadka kale ee siyaasiyiinta ah ee la socda,  waxaanu uga digaynaa inay yimaadaan deegaanada Buuhoodle ee ay ka socdaan nabadeynta. meel kasta oo ay nimankaasi rabshooleyaasha ahi ka soo galayaan deegaanka ee ka imanaya Puntland u dul qaadan mayno. Anagoo aan dawlada waxba ka sheegayn. Waxaanu ka hadlaynaa waa kuwa ka soo jeeda deegaanka. Ciidamadayaduna waa u heegan arrintaasi amar baanay u haystaan inay ka celiyaan meel kasta oo ay ka soo geli karaan.”
Wasiirku Xigeenku waxa kale oo uu hanjabaad kulul u jeediyay wax uu ugu yeedhay kooxda nabad diidka ah ee SSC oo uu ku eedeeyay inay falal nabadgelyo xumo iyo kharbudaad ah ka wada deegaanada hoos yimaada Buuhoodle
“Kooxaha nabad diidka ah ee joogta Buuhoodle iyo agagaarkeeda ee qaska iyo nabadgelyo darrada ka wada uma dul qaadan karno waxaanu iyaga qudhooda leenahay dadka ha ka daayaan dhibaatada ay ku hayaan ee isku diririda ah,”ayuu yidhi
Dhinaca kale  Wasiir ku  Xigeenka  Arrimaha gudaha Somaliland  Cismaan Garaad Soofe ayaa ugu baaqay dawlada Itoobiya inay ka wada shaqeeyaan nabadgelyada deegaamada Buuhoodle u dhow iskana kaashadaan sidii tallaabo looga qaadi lahaa kooxaha nabad diidka ah.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *