Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga, Khayraadka iyo Xeebaha Dr. Maxamed Yaasiin Xasan, ayaa sheegay inuu guulo kasoo hooyay safar uu dalka kaga maqnaa oo uu booqasho ku soo maray wadamada Carabta qaarkood.  Wuxuuna xusay in masuuliyiinta uu kula kulmay

 dalalka uu soo maray ka mid ahaa  gudoomiyaha Baanka adduunka, kaas oo sida uu sheegay uu  ka dalbaday sidii ay u taageeri lahaayeen horumarinta kalluumaysatada Somaliland.
Dr. Maxamed Yaasiin  waxa uu sidaa u sheegay maanta Magaalada Hargaysa. Kadib markii  uu dalka dib ugu soo laabtay, isagoo  socdaal qaatay muddo saddex todobaad ah oo uu ku tagay dalalka Tuunisaya, Imaaraadka Carabta iyo Jabuuti kasoo gurya noqday.
Wasiirku waxa uu ka waramay kulamo uu sheegay in uu la yeeshay wasiiradda dhigiisa ah ee saddexdaasi dal oo uu kala hadlay sidii ay iskaashi dhinaca kalluumaysiga ah ula yeelan lahaayeen Somaliland.
Dr. Maxamed Yaasiin Xasan waxa uu sheegay inuu dalka Imaaraadka Carabta kula kulmay Guddoomiyaha Baanka adduunka oo uu ka dalbaday inay maalgelin ku sameeyaan horumarinta kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland, si kor loogu qaado waxsoosaarka kalluumaysatada wadaniga ah. Wuxuuna isagoo ka hadlaya arrintaa yidhi, “Waxaynu leenahay Khayraad badan, balse kama faa’idaysano, sababtuna waxa weeye xirfad la’aan, waxaad arkaysaa dadkeenii oo Kaluunka baddeena ka gaajoonaya markaa waxaanu ahamiyada siinaynaa wasaarad ahaan in bulshadeena xeebaha degan kor loo qaado xirafadooda kaluumaysi iyo sidii ay uga faa’idaysan lahaayeen khayraadka Badda ku jira, waana taas ta aan kala hadlay gudoomiyaha Baanka Aduunka iyo wasiiradda wadamada aan booqday, wayna balan qaadeen inay wax nagala qabanayaan horumarinta  xeebaha iyo sidii looga faa’idaysan lahaa khayraadka dalka.”
Wasiirku waxa kale oo uu tilmaamay in ay guul ku dhamaadeen wada hadaladdii uu la yeeshay saddexda wasiir ee Kalluumaysiga u qaabilsan dalalka uu booqday, waxaanu ku adkaystay in uu xidhiidho u soo sameeyay Somaliland.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *