Hargeysa (ANN) Mr. Gunter Bischoss oo ah Nin  u dhashay dalka Jarmalka, isla markaana mudo dheer deganaa Somaliland ayaa dhowaan lagu eedeeyay inuu ka ganacsado muuqaalada sawirada fawaaxishka iyo foolxumada ah ee aanay ogolayn shareecada Islaamku, kuwaas oo

 uu Filimo uu kaga duubi jiray, haween Somaliland ah, ayaa dhegeysiga dawcadiisu si toos ah uga bilaabmay maalinta Salaasada 23 Nov 2010, Maxkamadda Degmada Hargeysa.
Ninkan oo xiliyadii sagaashanaadkii madax ka ahaa Ha’yada GTZ ee Jarmalka ayaa waqtigaa laga masaafuriyay Somaliland. kadib markii lagu arkay waxyaabo dhaqan xumo ah, balse mar kale ayuu dalka kusoo laabtay wuxuuna guursday Gabadh kasoo jeeda Qoys caan ka ah Magaalada Hargeysa, isagoo xiligaa sheegtay inuu Islaamay, isla markaana isu ekaysiiyay mujtamaca Islaamka.
Guddoomiyaha maxkamadda Degmada Hargeysa, ayaa todobaadkii hore  warbaahinta u sheegay in ninkan Jarmalka ah loo haysto falal dhaqan-xumo oo ay ka mid yihiin sawirro qaaqaawan oo uu ka qaaday dumar reer Hargeysa, isagoo Maxkamadda horteeda ka qirtay inuu sameeyay foolxumooyinkaa, balse ku dooday inay jiraan Hay’ado badan oo ka mid ah kuwa wadanka ku sugan oo hawlahan oo kale ku jira. Sidaa awgeed aanu garanayn sababta keligii loo qabsaday.
 
Ninka Jarmalka ah oo muddo badan dalka ku sugnaa, waxa kiiskiisa fashiliyay haweenay ka mid ah kuwa sawirada ku jira oo markii u horaysay dacwad ka gudbisay, taas oo Maxkamadda ka qaadatay Fasaq iyadoo iska fasaqday Ninkeedii. Kadibna xidhiidh la samaysay Ninkaa jarmalka ah.
Haweenaydaa ayaa qayb ka ah kiiska Ninkaa, iyadoo waqtigan xabsiga ku jirta iyadoo Xaamilo ah, isla markaana hablo da’doodu aad u yar yartahay ayaa laga helay muuqaalada sawirada, kuwaas sida ay wararka xogaha la xidhiidhaa kiisku sheegayaan isugu jira Arday dhinaca Caafimaadka ah iyo kuwo kale, iyadoo ay soobaxayaan xogo sheegaya inuu Ninkaasi durba iftiimiyay dad badan oo qaarkood ajaanib yihiin oo hawlahaa kula jiray, ama kuwan oo kale ka waday dalka. .
Ninkaa ayaa ku shaqaysta khadadka loo isticmaalo Printarada ee wax lagu daabaco ku samayn jiray guri weyn oo uu degan yahay, waxa uu ku hadlaa Luqada Afka Soomaaliga oo uu bartay. Waxaana laga helay sida ay sheegayaan wararku  in kombuyuutarkiisa sawirro iyo Video uu duubay oo  anshax xummo ah, kuwaas  oo uu ka qaaday haween reer Somaliland ah iyo astaamo kale oo muujinaya dhaqan-xummooyin ka baxsan anshaxa Islaamka oo uu ka waday dalka.
Waxa jira warar sheegaya inuu Ninkani ka ganacsan jiray muuqaalada sawirada sidan oo kale ah, isla markaana la gelin jiray Website-yada internetka, balse uu hawlaha ganacsi ee khadka Printarada ku khaldi jiray dadka si aan loo fahmin hawlihiisa kale, isagoo sheegan jiray inuu Islaamay. Maalmihii u danbeeyay ee ay soo baxday sheekada Ninkaa ayaa dadku si weyn ugu hadal hayaan goobaha lagu kulmo, isla markaana kiiska la filayo in maalinta Salaasada subaxnimada dhegeysiga dacwadaa laga furo maxkamadda Degmada Hargeysa ayaa si weyn dadweynuhu ugu dhegtaagayaan, iyadoo dhinaca kalena Culimadu Masaajidada maalmihii lasoo dhaafay si weyn ugu soo hadal qaadeen kiiska Ninkaa, taas oo rayal caamka Bulshada kusoo jiheeyeen, iyagoo digniino u jeedinaya xukuumadda inay fududayso kiiskaa, ama wax fara gelin ah ku samayso.
 Si kastaba ha ahaatee waxa soo baxaya xogo iftiiminaya in kiiska Ninkaasi daah furo dhacdooyin fawaaxish ah oo qarsoon, kuwaas oo raadkoodu galaafan karo Ha’yado ku suntan hawlo samafal oo dalka ku sugan iyo dad kale oo ajaanib ah.
 By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *