Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta deegaanka Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay wax ka qaban doonto Nabadgelyada Magaalada Laascaanood,  isla markaana ay xididada u saari doonto kooxaha bartilmaameedsanaya

saraakiisha heer gobol ee laamaha dawlada Gobolka Sool.

Dr. Cabdi Aw Daahir  waxa kale oo uu sheegay inay meel fiican marayso hawsha loogu gogol xaadhayo gogoshii nabadeed ee madaxweyne Siilaanyo uu ugu baaqay waxgaradka deegaamada Sool, Sanaag bari iyo Buuhoodle, isagoo dhinaca kalena sheegay in aanay ka laabanayn heshiiskii kootada ganacsiga  xoolaha loogu xidhay ganacsadaha carbeed ee Al-Jaabiri. Wuxuuna  sidaa  ku sheegay waraysi uu xalay khadka Telefoonka uu ku siiyay Weriye Mr. Cumar Maxamed Faarax, oo ka tirsan Shabakada wararka ee Somaliland.Org,
Waraysigaa oo ahaa Su’aalo iyo jawaabo wuxuu u  dhacay sidan:-
Wasiir maxaad ku sifayn lahayd socdaalkii aad ku tagtay dhawaan degmada Widh-widh oo ammaankeeda dad badani ka cabsi qabeen tagitaankeeda?
J: Waxaan degmada Widh widh u tagay hawlihii nabadeynta ee Madaxweynaha Somaliland ku baaqay sidii loogu gogol xaadhi lahaa. Waxa kale oo ka mid ahaa hawlihii aan u tagnay degmada Widh-widh mashaariic halkaasi laga fuliyay oo ay ka mid ahaayeen dhismaha xarunta maamulka degmada, Dugsi waxbarasho iyo xarun caafimaad oo halkaasi laga hirgelinayay. Waxaanu booqashadaasi oo guul noogu soo dhamaatay waxaanu kulamo badan oo wada tashi iyo is xogwaraysi ah aanu la yeelanay cuqaasha, maamulka iyo waxgaradka degmada Widhwidh.
Waxagaradkii iyo maamulkii degmada Widhwidh waxay iyaguna dhinacooda nooga warramayeen baahiyahooda aasaasiga ah ee ugu daran oo ay ka mid yihiin dugsyo waxbarasho, xarumo caafimaad, biyo. Waxa kale oo aanu isla garanay in laga wada shaqeeyo hawlaha maamul fidinta oo ahmiyad weyn u dalka iyo shacbiga ku dhaqan deegaankaasba. Waanu is afgaranay tuulooyinka degmadaasi hoos yimaadana intooda badan waanu soo wada marnay waxa ka jiray nabadgelyo dadka deegaanka ayaa nabadgelyadooda ilaashanayay. Maanu wadan ciidan noo raacay halkaasi. Deegaankaasi soo marnay waxa ka jiray Nabadgelyo waxaana tuulo walba oo aanu booqano ka lushay calanka Somaliland.
Baaqa Nabadda ee Madaxweynuhu u jeediyay shacbiga Gobolada Sool, Sanaagbari iyo Buuhoodle muddo ayaa laga joogaaye goormaa la bilaabayaa, halkeese lagu qabanayaa?
J:Horta nabaddu way fidaysaa oo gogasha Nabadda waa in loo sii gogol xaadhaa oo nabadeyn hordhac ah la sameeyaa, hawlaha imika aanu wadnaa waa nabaddii oo hordhac ah, waa in dadku sii wada hadlaan oo dhinac waliba wixii uu tabanayo uu sheegaa. Marka ugu dambaysa waxa la qaban doonaa gogol nabadeed oo loo dhan yahay sida aanu ILAAHAY ka rajaynayno.
Isku soo dhawaynta bulshada iyo dedaaladii nabadeynta iyo isu soo jiidka bulshadu waa mid intaasi socota oo aan istaagayn. Waxaad moodaa in imika uu soo dhamaanayo kala shakigii dadka la kala aaminsiiyay.
Wasiir, iyadoo dedaaladaasi nabadeed aad wadaan haddana waxa ka socda Magaalada Laascaanood dilal qorshaysan oo lagu bartilmaameedsanayo masuuliyiinta xukuumada u shaqeynaya, arrintaasi wax ka qabashadeeda waa la idinku dhaliilayaa xukuumad ahaan ee maxaad ka qabanaysaa xaalada nabad gelyo xumo ee xarunta gobolka Sool?
J: Aad baanu uga xunahay dilalka ka dhacaya Laascaanood ee lagu dilayo niman madax ah oo aan wax dambi ah gelin oo ummadooda u adeegaya, dadka waxaasi wadaa waa dambiileyaal jariimad weyn ka galay dalka talaabana waa laga qaadi doonaa, laakiin dilalkaasi nagama hor istaagayaan waxna ma yeelayaan dedaaladii nabadeynta ee xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay waddo.
Dadka dhuumaalaysanaya ee wax dilayaa waa dad qas wadeyaal ah, dadka reer Laascaanood caam ahaan 70% way arkayaan falalkaasi foosha xun, waxaanay dadka reer Laascaanood ay qabaan in xalku ku jiro wada hadalka iyo nabadda.Waxaan idiin sheegayaa in xukuumaddu ay talaabo adag ka qaadi doonto xididanna u siibi doonto dadka dilalka ka wada Magaalada Laascaanood.
Wasiir Maxaa ka soo baxay talaalkii iyo dawayntii xoolaha ee shan gobol oo dalka ah aad ka fuliseen wasaarad ahaan?
J: waxaanu shantii bilood ee ee u dambeeyay Wasaarada xanaanada Xooluhu ay shan gobol oo dalka ka mid ah ka waday talaalo iyo dawayn xoolaha lagaga talaalayay xanuunada, waxa ka soo baxay qiimayn ah in caafimaadkii xoolaha kor loo qaaday. Kooxaha caafimaad ee aanu u dirayno deegaamada miyiga ahi ma aha wax istaagaya oo wali waanu wadnaa.
Waxaanu bari (maanta) u diraynaa gobolka Sanaag kooxo caafimaad oo xoolaha dawayn iyo talaal u soo samaysa maadaama oo aanu gobolkani hore ugu jirin barnaamijkii caafimaadinta xoolaha ee aanu wadnay.
Wasiir, heshiiskii Maxjarka iyo dhoofka xoolaha la xidhiidhay Ganacsadaha Carbeed ee Al-jabiri, miyaad ka noqonaysaa wasaarad ahaan sida looga noqday heshiiskii Total oo kale?
J: Anaga wasaarad ahaan heshiis aanu ka noqonaynaa ma jiro heshiiskii hore sidiisii ayuu u jiraa, laakiin haddii ay noqoto in wax laga bedelo qodobadiisii labada dhinac way ka wada hadli doonaan si wax loogu kordhiyo waxna looga saaro.
Wasiir dedaaladan nabadda ee aad wado dadka qaarbaa qaba inay tahay shaqadii Wasaarada Daakhiliga oo aad adigu si dadban u qabanayso, arrintaasi maxaad kaga jawaabaysaa?
J: Waxa weeye Wasiirku waxa weeye shaqada wasaaradda loo xil saaray inuu shaqadeeda guto waajibka koowaad ayay ku tahay isla markaana Golaha Wasiiradda oo dhan waxa xil ka saaran yahay arrimaha nabadeynta, Guddidii Madaxweynuhu u xil saaray arrimaha barigana waan ku jiraa. Markaa arrintan maamul fidinta iyo nabadeyntu waa mid qaran oo cid walba xil ka saaran yahay weeye.
Xigasho S omaliland Org.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *