Berbera fuel tank depot (storage facilityBerbera (ANN) Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay masuuliyiintii shirkadda TOTAL ee  gacanta ku hayay Haamaha Shidaalka ee magaalada Berbera tan iyo dhawr iyo sagaashanaadkii., taas oo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo baabiisay todobaadkan, isla markaana burisay

 

heshiiskii ay shirkadaasi kula jirtay xukuumadda Somaliland.
Masuuliyiinta oo ay maanta ciidanka Boolisku  xabsiga u  taxaabeen ayaa  kala ah Maamulihii shirkadda TOTAL ee gacanta ku haysay haamaha shiidaalka Berbera Sacad Cilmi  Iyo xisaabiyihii shirkadda  Cabdikariin Xuseen Cilmi, oo ay  ciidammada boolisku u taxaabeen saldhiga dhexe ee magaalada Berbera. Kadib markii sida uu sheegay Taliyaha booliska Somaliland Gen, Cilmi Rooble Fure  ay diideen inay la shaqeeyaan Booliska .

Ma jiro war rasmiya oo xukuumaddu ka soo saartay xadhiga masuuliyiintii Shirkadda TOTAL oo sabtidii todobaadkan uu Madaxweynaha Somaliland soo saaray digreeto uu ku baabiiyay  heshiiskii ay xukuumaddu kula jirtay shirkadaa oo gacanta ku haysay dhawr iyo toban sanadood haamaha Shidaalka ee Berbera, warar kale oo la xidhiidha xadhiga masuuliyiinta yaa sheegaya in xadhigoodu  ka danbeeyay markii ay iska dhego-tireen inay fuliyaan digreetada Madaxweynaha oo ay wareejiyaan maamulka Haamaha,  islamarkaana xisaabtooda soo bandhigaan.

Dhinaca kale  ciidammada boolisku waxay xalay xidheen saddex nin iyo gaadhi ay wateen, kuwaas oo sida ay wararka la xidhiidhaa sheegayaan doonayay inay rabshado ka sammeeyaan xarunta Haamaha Shiidaalka Berbera oo tan iyo intii ka danbaysay digreetadii TOTAL lagu eryay aanay wax shaqo ahi ka socon, iyadoo la dareemayo shidaal yaraan. Kadib markii shaqadii hakad gashay.
Shirkadda TOTAL ayaa heshiis konton sannadood ah la gashay  inay gacanta ku hayso, isla markaana keligeed keento shidaalka Somaliland  xukuumaddii marxuum Madaxweyne Cigaal, balse golaha wakiilada ayaa diiday inay sharciyeeyaan heshiiskaa oo ay gebi ahaanba laaleen, waxayna talaabada Madaxweyne  Siilaanyo ka qaaday shirkadaa ka mid ahaayeen balanqaadyadii kootada shidaalka iyo xoolaha oo uu sheegay xiligii kaanbeynka inuu wax ka qabanayo.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *