Falanqaynta Araweelonews
Hargeysa(ANN) Xukuumadda Somaliland ayaa talaabo cad ka qaaday shirkadda Total ee gacanta ku haysay Haamaha Shidaalka ee Berbera, isla markaana  baabiisay gebi ahaanba heshiiskii ay kula jirtay shirkaddaa oo mudo dhawr iyo toban sannadood ah maamulaysay  Haamaha

Shidaalka ee Berbera. Kadib markii ay ka baxday heshiiskii ay ku jirtay, isla markaana laga waayay  xisaab celin cad oo ku saabsan hantida gashay dayactirka Haamaha.  Sidoo kalena laga waayay wax xisaab celin ah. Sida lagu sheegay digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Somaliland oo ku taariikhaysan 22/05/2011,  taas oo lagu soo Saaray xeer madaxweyne oo numberkiisu yahay NO: 0131/052011.
Talaabada xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa ahayd mid horeba loo fuliyay oo ka mid ahayd  qodobada ugu waaweyn ee ay   xukuumaddiisu balanqaaday xiligii ololaha kaanabaynka ee Kulmiye, isla markaana waxa soo dhoweeyay rayal caamka Bulshada, balse waxa talaabadani daaha ka feydey su,aalo rayal caamka bulshadu iska weydiinayaan inay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo talaabo taa la mid  ah ka qaadi doonto Shirkada Al-jaabiri oo ah ganacsade carbeed oo   xukuumaddii Madaxweyne Rayaale kooto ugu xidhay ganacsiga Xoolaha, isla markaana aan weli laga ansixin heshiiska lala galay golaha wakiilada, kaas oo la rumaysan yahay in lacag malaayiin dolar ahi kaga maqan yihiin Xukuumadda Somaliland.
Shirkadda Al-jaabiri ee kootada loogu xidhay Xoolaha Somaliland oo ah laf-dhabarta dhaqaallaha dalka ayaa ahaa waxyaabaha dhaleecaynta ugu baddan kaga imanaysay maamulkii xukuumaddii hore, iyadoo dhinaca kalena noqotay waxyaabaha ugu waaweyn ee aasaaska u ahaa dhaleecaynta mucaaradku, gaar ahaan xisbiga Kulmiye  ku dhaleecaynayeen xukuumaddii UDUB,  waxaana  xiligeedii  xukuumadda Rayaale sheegtay inay magaalada Berebera ka samaynay maxjar lagu karantiimeeyo oo lagu baadho caafimaadka Xoolaha dhoofaya, kaas oo waqtigaa lagu sheegay inay ku baxayso lacag lagu qiyaasay hal Mly oo dollar, waxayna xukuumaddii Rayaale ee xiligaa ku doodi jirtay in Maxjarkaasi noqon doono mid qaranku leeyahay, balse ganacsada Al-jaabiri maal gelinayo, kaas oo laga sameeyay duleedka magaalada Berbera, isla markaana la rumaysan yahay inuu Al-jaabiri ku lunsaday lacag lagu qiyaasay inay ka baddan tahay 60Mly dolar. Iyadoo neefka xoolaha laga qaadi jiray $7 dollar. Lacagtaa oo kaga maqan Somaliland ganacsadahaa. Laakiin mudadii xukuumadda Siilaanyo la wareegtay xilka waxa soo baxday inuu Al-jaabiri dhul cabirkiisu yahay dhawr Kmtr oo ku yaala duleedka Haamaha Shidaalka ee Berbera ka bilaabay dhisme, kaas oo aanu u haysan wax sharci ah, isla markaana xukuumaddii Daahir Rayaale iyo kuwii ka horeeyayba mamnuuceen  in laga sameeyo wax dhisme ah, balse dib loo bilaabay dhismahaa duleedka Haamaha Berbera mudadii kala guurka, iyadoo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku guuldaraysatay inay joojiso dhismahaa.
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa la sheegay inay marar baddan ka dalbatay Ganacsade Al-jaabiri inuu dalka yimaado si ay isula eegaan heshiiskii xukuumaddii hore la gashay, balse Al-jaabiri ayaa ka dhega adaygay dalabkaa xukuumadda Somaliland, mana jiro wax heshiis ah oo ay shirkadda Al-Jaabiri leedahay oo ilaa hada xukuumaddan iyo tii horeba hor geeyeen golaha wakiilada Somaliland, taas oo baalmarsan dastuurka iyo xeerarka dalka.
Sidoo kale Maxjarka Al-Jaabiri ayaa diiday inuu wax cashuur ah bixiyo sida ay saraakiisha wasaaradda Maaliyaddu  ku wargeliyeen Wasiir ku xigeenka Maaliyada Warsame Siciid Cabdi oo kormeer ujeedadiisu ahayd sidii  kor loogu  qaadi lahaa dakhliga cashuuraha ku tegey magaalada Berbera, kuwaas oo ku wargeliyay in aanay gebebi ahaanba wax cashuur ah bixin shirkadda  carbeed ee Maxjarka Al-jaabiri.

Sidaa awgeed waxa laga sugayaa Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisa  oo xiligii kaanbaynka  Kulmiye balanqaadyadiisa  ay ka mid ahaayeen inay wax ka qabanayaan kootada ganacsiga xoolaha iyo Haamaha Shidaalka, taas oo hada u muuqata fariin cad oo iftiiminay fulinta mid ka mid ah balanqaadyadii xiligii Ololaha, isla markaana rayal caamka bulshadu soo dhoweeyeen go,aanka Madaxweyne Siilaanyo  todobaadkan ku baabi’iyay heshiiskii Total, balse waxa la sugayaa  in Madaxweyne Siilaanyo talaabo taa la mid ah  ka qaado  shirkadda Al-Jaabri  , maadaama aanay wax sharci ah ku dhisnayn ganacsigeedu, isla markaana ay ilaa hada ka war wareegay inay si cad ula xisaabtanto qaranka, iyadoo ay ku maqan yihiin malaayiin dollar. waana taalaabo looga fadhiyo Madaxweyne Siilaanyo  inuu fuliyo, taas oo noqonay rumaynta  balanqaadkii xiligii Ololaha Doorashada madaxtooyada Somaliland. 
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *