Hargeysa (ANN) Wasiirka cusub ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Maxamuud Xaashi Cabdi oo maanta la kulmay masuuliyiinta shirkaddaha diyaaradaha qaarkood ayaa sheegay inuu ka  hawlgelayo

 

sidii dib loogu soo celin lahaa duulimaadyadii shirkadda diyaaradaha ee Ethopian Airlines oo hore Somaliland uga shaqayn jirtay. Balse sanadkii hore la joojiyay xiligaa oo ay Somaliland ka jireen muran iyo khilaaf siyaasadeed oo la xidhiidhay arrimihii doorashada madaxtooyada.

Mr. Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu sheegay in sababta sirkada diyaaradaha ee Ethopian Airlines u joojisay duulimaadyadeedii Hargeysa aanay ahayn arrimo siyaasadeed,  balse ay tahay arrimo la xidhiidha amniga madaarka Hargeysa oo aan fiicnayn xiligii ay hakisay, “sababta diyaarada Ethopian Airlines u joojisay duulimadyadii Hargeysa maaha arrimo siyaasi ah ee waa mid amniga madaarka Hargeysa oo aan fiicnayn ahaa, sidaa daraadeed waxaanu u hawlgali doonaa sidii aanu u soo celin lahayn duulimaadyadaa shirkadda, waxaanuna xidhiidh aanu la samaynaynaa qolada (ACCAWO) (Hay’ada qamada Midoobay u qaabilsan madaarada iyo hawada oo ah qolo xidhiidhada diyaaradaha samaysa.” Ayuu yidhi Mr. Xaashi.

Wasiirka duulista hawada oo qaar ka mid ah warbaahinta dalka maanta xafiiskiisa ugu waramay waxa kale oo uu tilmaamay in lacag kasta oo ka soo baxda Madaarka Hargeysa ay si toos ah ugu dhici doonto khasnada dawlada, isla markaana ay baabiiyeen xisaabaadkii gaarka ahaa ee hore loo samaystay, isagoo yidhi, “Lacag kasta oo laga qaado madaarka Hargeysa waxa ay ku xeroonaysaa xisaabta lambarkeedu yahay 11, waanuna xidhnay xisaabaadkii hore ee gaarka ahaa.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray inay ku dadaalayaan sidii Ternimal cusub loogu samayn lahaa madaarka Berbera.
Dhinaca kalena waxa uu xusay Mr. Xaashi inay xukuumad ahaan marka la gaadho Oct, 1  2010, wixii ka danbeeya ay xidhi doonaan Madaarka Hargeysa, si dayactir loogu sameeyo  dhabaha  diyaaruhu ka soo dagaan kana haadaan ee  (Run way).
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *