images/stories/badhtamaha caasimada hargeysa.jpg  Xukuumada cusub ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa xilka kala wareegtay xukuumadii hore ee Daahir Rayaale 27 July 2010, taas oo hada laga joogo wax ka yar sadex todobaad, isla markaana Madaxweynaha cusub oo xukuumadiisa ku dhawaaqay maalin ka dib markii loo dhaariyay xilka mudo shan sanadood ah, waxay  tan iyo mudadaa masuuliyiinta xukuumada cusubi ku mashquulsanaayeen

sidii ay xilka ugala wareegi lahaayen  xubnaha golaha wasiirada ee xukuumadii Daahir Rayaale ee lagaga guulaystay doorashadii madaxtooyada ee 26 Jun 2010, taas oo ay natiijadeeda ku dhawaaqeen komishanka doorashooyinka qaranku 1 July 2010.
Xubnaha golaha wasiirada cusub ayaa intooda badan laga ansixiyay golaha wakiilada maalmihii lasoo dhaafay, kuwaas oo intooda badan la dhaariyay khamiistii todobaadkan sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.  Sidoo kale Madaxweyne Axmed Siilaanyo wuxuu magcaabay gudoomiyayaasha gobolada iyo ku xigeenadooda isla khamiistii todobaadkan.
Haseyeeshee saraakiisha dhinaca amaanka ayaa weli sidoodii ah oo aan wax isbedel ah lagu samayn, iyadoo ay jiraan kala daadsanaan dhinaca Ha’yadaha Amaanka oo ay qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka Bilaysku farta ku fiiqayaan, isla markaana waxa soo baxaya tibaaxo la xidhiidha dhinaca amaanka oo iftiiminaya qorshayaal cabsi abuuraya, kuwaas oo lala xidhiidhinayo inay doonayaan inay dalka ka fuliyaan kooxaha xag jirka ah ee ka dagaalama dhinaca Somalia.
Qorshayaasha la doonayo in lagu wiiqo amaanka Somaliland waxa fursad siinaya kala daadsanaanta ciidanka Bilayska ee xiligan iyo xukuumada cusub oo aan weli caga dhigan, isla markaana waxay xoggaha qaarkood tibaaxayaan inay jiraan siyaasiyiin ka mid ahaa kooxdii Xukuumadii Rayaale, kuwaas oo laga yaabo inay lug ku leeyihiin qorshayaasha qarsoon ee la doonayo in lagu kharbudo amaanka, waxayna tibaaxaha la xidhiidha arrimahaasi sheegayaan in Wasiirkii hore ee Maaliyada xukuumadii Rayaale,  Cawil Cali Ducaale ka mid yahay kuwa doonaya inay sameeyaan qorshayaal lagu wiiqayo amaanka, kaas oo hore  ugu balan qaaday  xiligii Ololaha doorashada Madaxtooyada in aanu  Madaxweynaha hada Axmed Siilaanyo ku fadhiisanayn kursiga oo uu ku hawlan yahay sidii uu kursiga uga ilaalin lahaa hogaamiyahii Mucaaridka ee xiligaa . ka hor intii aanu  ku guulaysan doorashadii madaxtooyada Somaliland ee qabsoontay 26 Jun 2010.
Taliyaha Bilayska Somaliland Sanqadhi Dubad oo si weyn ula falgalay maamulkii hore ee Rayaale, isla markaana lagu xusuusto dilkii Madaxweynihii Somalia C/rashiid Cali Sharmarake oo lagu dilay shirqool magaalada Laascaanood 15 Oct, 1969, waxa uu Mr. Sanqadhi ahaa taliyihii Ciidanka Bilayska oo goob joog ka ahaa dhacdadaa foosha xun, iyadoo xiligaa ay jireen loolan siyaaseed oo dhinaca axsaabtii xiligaa jiratay u dhexeeyay.
Maamlhii lasoo dhaafay waxay ciidanka Bilaysku qabteen dad looga shakiyay inay xidhiidh la leeyihiin kooxda Al-shabaab, kuwaas oo sideed ka mid ah oo 7 Nin iyo Qof Dumar ah laga soo qabtay 3 August 2010 Laanqayrta oo ka tirsan deegaanka Baligubadle, balse markii la keenay Hargeysa la sii daayay, taas oo ka cadhaysiisay qaar ka mid ah saraakiisha Bilayska oo aan ku qancin inay dadkaasi ahaayeen Tahriibayaal sida lagu sheegay markii lasii daayay.
Sidoo kale laba maalmood ka dib ayaa laga qabtay Madaarka Hargeysa koox kale oo looga shakiyay inay xidhiidh la leeyihiin kooxda Al-shabaab. Laakiin mudo yar ka dib ayaa lasii daayay sida ay shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyeen saraakiil xog ogaal u ahi.
Dhamaan kooxahaa meelaha kala duwan lagu qabtay ayaan loo gudbin ciidanka baadhista denbiyada ee (CID), waxaana taa bedelkeeda la geeyay xafiis lagu magcaabo qaybta xuuraanka oo ku yaal Saldhiga dhexe ee Hargeysa, kaas oo uu mudooyinkii ugu danbeeyay sameeyay Taliyaha Bilayska Sanqadhi Dubad, isla markaana uu  fadhiisto saraakaal ka tiirsan ciidanka oo aanay qaar badan oo ka mid ah  saraakiisha amaanku wax kalsooni ah ku qabin hawsha uu hayo jiritaanka xafiiskaa oo ay ku tilmaamayaan in aanu ahayn mid waafaqsan sharciga.
Saraakiisha dhinaca amaanku waxay heleen xoggo ku saabsan qorshayaal la doonayo in lagu waxyeeleeyo amaanka  oo  ay wadaan kooxaha aragagixisadu, waxayna ciidanka Bilayska Somaliland ganacnta ku dhigeen dabayaaqadii July 2010 maalmo ka hor  diyaargarawgii xafladii ay xilka kula  kala wareegayeen labada madaxweyne laba qof oo meelo kala duwan lagu qabtay, kuwaas oo mid ka mid ah laga qabtay Masjidka weyn ee Tabliiqiyiinta oo ku yaal dhinaca Barriga Magaalada Hargeysa oo uu waqtigaa ka socday kulan Diimeed Caalami ah  oo ay tobanaan kun oo tabliiqiyiin ahi kasoo qayb galeen, kuwaas oo ka kala yimi dacalada dunida.
Balse xogo lagu kalsoonaan karo oo shebekada Arweelonews ka heshay saraakiisha Bilayska xiligaa  ayaa tibaaxay in Ninkaa lagu qabtay Masjidka aanu ahayn sidii la moodayay ee looga shakiyay.  Laakiin Nin kale oo isla mudadaa  ay ciidanka amaanku gacanta ku dhigeen ayaa  ka mid noqday kooxda xarakada Al-shabaab, taas oo uu qirtay ka mid ahaanshaha Kooxdaa,  sida ay waqtigaa u xaqiijiyeen shebekada Araweelonews saraakiil ka tirsan Ha’yadaha amaanku, kuwaas oo sheegay in  baadhistii lagu sameeyay iyo su;aalo la weydiiyay lagu ogaaday shirqoolo iyo qorshayaal ay doonayaan inay fuliyaan kooxdaasi, balse lama garanayo halka ay ku danbeeyeen labadaa qof ee hore  baadhistu ugu socotay.
.
Waxa iyana xabsiga magaalada Laascaanood ka baxsaday maalmo ka hor diyaargarawgii xaflada ay xilka kula  kala wareegayeen labada Madaxweyne laba Maxbuus oo ahaa  gar  sugayaal, kuwaas   oo ka mid ahaa dadkii falalka qaraxyada iyo shirqoolada loo qabqabtay horaantii Feb  2010, isla markaana   loo haystay falalkii qaraxyada iyo shirqoolada ee ka socday halkaa  ilaa Nov,  2009 xiligaa oo ku beegnayd  markii shirqool  qarax Miino nooca Rimuutka laga hago ah lagu dilay Taliyihii qaybta 12aad ee Ciiadnka qaranka Somaliland Co. Yuusuf Nuur, iyadoo wixii  mudadaa ka danbeeyay xaalada amaanka ee xarunta gobolka Sool ee Laascaanood noqotay meel ay falal shirqoolo dilal iyo qaraxyo lala beegsado masuuliyiinta Hay’ayadaha Dawlada ee halkaa ku sugan.
 Sidoo kale  Taliyaha Sirdoonka Maxamed Nuur  oo si weyn loola xidhiidhinayay  inuu qayb ka ahaa shirqoolo iyo falal xiligii maamulkii hore ka dhacay dalka ayaa weli sii haya xilalka, iyadoo  ay dhacdooyinkaa iyo kuwo kale oo qarsooni abuurayaan dareen shaki oo iftiiminaya inay fursad siin karaan qorshayaal siyaasadeed oo lagu waxyeeleeyo amaanka, ama ay gacan ka heli karaan kooxaha doonaya inay waxyeeleeyaan amaanka qaranka, maadaama ay hore u jireen tuhuno isku xidhaya kooxahaa iyo qaar ka mid ah saraakiishii maamulkii Rayaale. Iyadoo ay saraakiisha dhinaca amaanka ee weli xilka sii hayaa u dhega nugul yihiin wasiirkii hore ee maaliyada, kaas oo maalmihii u danbeeyay ku calaacalayay in madaxweynaha cusub Axmed Siilaanyo  ku amro wasiirkiisa Maaliyada Eng. Xaashi la wareegida deyn xad dhaaf ah oo uu ka tegey, taas oo qayb ka ah deyn xad dhaaf ah oo ay la daalaa dhacayso xukuumada cusubi. Sidaa awgeed xukuumada cusub waxa la gudboon inay ku xisaabtanto xaalada amaanka ee dalka iyo gebi ahaanba qorshayaasha siyaasadeed ee horseedi kara inay xaalada amaanku faraha ka baxdo. Ka hor inta aanay saldhigin.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *