Hargeysa (ANN) Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa ku amartay inay sida ugu dhaqsaha badan u bixiyaan cashuuraha ku baaqday Ganacsatadda, Shirkaddaha iyo Bulshaweynta Somaliland ee ay kuwaajibtay inay bixiyaan 11 cashuurood oo ku waajibay Ganacsigooda iyo  Hantidoodaba. Sidaana

 

                                                                                         
waxa lagu sheegay Amar kasoo baxay maanta Wasaaradda Maaliyadda oo uu  ku saxeexnaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Warsame Siciid Cabdi. Qoraalkaa oo lagu sheegay ahmiyada ay cashuuruhu u leeyihiin hanaanka dawladnimo, wuxuuu isagoo  dhamaystiran u qornaa  sidan:-
 
“Bixinta cashuurta dawladdu waa aasaaska guud ee dawladnimo, dadweynuhuna horumar ma gaadho haddii aanu bixin cashuurta.
 
Sidaa awgeed, Waxa Ganacsatadda shirkaddaha iyo dadweynaha laga codsanayaa inay soo bixiyaan cashuuraha kala ah:-
 
1-     Cashuurta Macaashal-macaashka Ganacsiga.
2-     Cashuurta Macaashal-macaashka Daaraha kirada ah.
3-     Cashuurta Macaashal macaashka shaqaalaha Rayidka ah.
4-     Cashuurta Iibka.
5-     Cashuurta kala wareejinta iyo Diiwaan gelinta Heshiisyada.
6-     Cashuuraha Liisammada wadista Baabuurta.
7-     Cashuurta Waddo marista Gaadiidka.
8-     Cashuurta Liisamada Baabuurta.
9-     Cashuurta Cusboonaysiinta Liisamada nooc walba.
10- Cashuurta kirada hantida dawladda sida Guryaha,Bakhaarada, Kaalmaha shiidaalka iyo Buuraha isgaadhsiinta.
11- Cashuurta kirada Gaadiidka.
 
 
Cashuurahaa oo dhammaan bixintooda darruuri tahay waxa cashuur bixiyeyaasha la ogaysiinayaa lana farayaa inay deg deg u soo bixiyaan.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Somaliland.
Cashuuraha ay xukuumadda cusubi ka dalbatay inay si deg deg ah u bixiyaan shirkaddaha, ganacsatadda iyo muwaadiniinta ay ku waajibtay  maaha kuwo cusub, balse waxay ahaayeen kuwo ay xukuumaddihii hore ee Somaliland qaadi jireen. Laakiin aan si fiican u dhaqan gelin, isla markaana waxay inta badan cashuurahani ahaayeen kuwo si maamul xumo iyo musuq maasuq ah u lumi jiray oo aan ku dhici jirin khasanada dawlada, waxaana suurta gal ah haddii ay maamulka xukuumadda cusubi habeeyaan cashuurahaa wax weyn ka tari doonaan mushkiladaha dhinaca ilaha dhaqaalaha  iyo dakhliga dalka.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *