Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horeysay cadaysay inay saamayn ku lahayd doorashadii Madaxwaynaha dawlada cusub ee Somaliya. sidoo kalena  ka taxadaraysay in Madaxwayne loo doorto siyaasi cadow ku ah Qaranimada Somaliland.

Sidaana waxa shaaca ka qaaday Wasiirka Wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), kaas oo sheegay inay xidhiidh isgaadhsiineed isaga iyo xubno Wasiirro ahi la lahaayeen Somaliya markii ay socotay doorashada Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiir Duur oo shalay u waramay Telefiishanka Madaxa-banaan ee HCTV, ayaa sidoo kale ka hadlay khilaaf ka taagan deegaano ka mid ah galbeedka dalka oo uu sheegay inuu Madaxwaynaha u gudbiyey qoraal uu kaga codsanayo inuu u saaro guddi xal ka gaadha murankaa si doorashada deegaanadu uga dhacdo, isaga oo sidoo kalena tilmaamay inuu Madaxwaynaha u bandhigay sida ay muhiimka u tahay in deegaanada aanay doorashadu hore uga dhicin ay doorashada la filayaa ka dhacdo sanadkan.

Wuxuuna isagoo ka hadlaya qoraalka uu Madaxwaynaha u gudbiyey ee ku saabsan arrintaa wuxuu  yidhi,  “Madaxwaynaha waxaan u gudbiyey warqad aan leeyahay goobahaasi waa goobo nabadgalyadoodu sugan tahay, dadkooduna u diyaar yihiin inay wax doortaan, lana doorto, xaq dastuuri ahna u leeyihiin, waxa kale oo aan Madaxwaynaha u sheegay in deegaanada Somaliland ee ay ka maqan tahay doorashadu ay qaranka ku tahay nusqaan, markaa doorashadii iyo cod-bixintii ay xaqqa u lahaayeen laga qabto, komiishankana ogeysiin ayaan siiyay”

Wasiir Duur, waxa uu sheegay inuu Madaxwaynaha u soo jeediyay in guddi loo saaro muranka dhul ee deegaanada galbeedka dalka “Muranka ah iyo tallada ah kala duwanaanshaha dadkaasi ay raacayaan gobol ahaan ama degmo ahaana, si talladu u balaadhnaato oo la iila wadaago Madaxwaynaha waxaan u soo jeediyay in guddi balaadhan loo xil-saaro”
Sidoo kale wuxuu mar wax laga weydiiyay muranka ka aloosan labada xil ee uu isku hayo gudoomiyaha wakiilada, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Xisbiga ay dawladani ku dhisan tahay waa xisbiga la yidhaahdo Kulmiye, waxaan qaatay siyaasada Kulmiye, xilka aan maanta u hayaana waa xilalka ugu miisaanka roon siyaasada xisbiga Kulmiye, markaa imika ii suurto-gal maaha inaan urur kale dhiso, waxa timid labada xil ma isku hayn karaa (Guddoomiye Cirro), waxa haboon in sharciga la waydiiyo, ilaa imikana markaan caqligayga ku eego ma jiro sharci odhanaya iskuma hayn karo, waayo dhammaan xilalka siyaasadeed ee heer deegaan, heer baarlamaan ilaa heer Madaxwayne dhammaantood xilka waxay ka wareehi karaan iyagga oo tartamaya, hadda Maayarada dalka oo dhami way tartamayaan, waxay xilka ka wareegayaan marka Golle deegaan oo kale la doorto, markaa waxay ila tahay in xilkaasina yahay xil siyaasadeed, qofkuna xaq u leeyahay xoriyadiisa kale ee siyaasadeed”

Wasiirka Daakhiliga Somaliland Duur oo la waydiiyey inuu xidhiidh la leeyahay ururka Al-islaax oo uu ka mid yahay Madaxwaynaha cusub ee Somaliya ayaa yidhi,  “Isma naqaano shakhsiyan Madaxwaynaha Somaliya, mana dhisin isaga, laakiin waxaynu u baahanahay inaynu xidhiidh la samayno Somaliya, xukuumadda aan ka tirsanahay waxay wada-hadal la waday Somaliya, imikana waa lala sii waddi doonaa insha Allaahu”ayuu yidhi.
Laakiin wuxuu qiray inay xukuumadda Somaliland ku lahayd doorashada Madaxweynaha Somalila raad, isagoo yidhi, “Raad waynu ku lahayn doorashadii (Doorashadii Somaliya), waayo waxa jirta cid u cadow ah Somaliland iyo cid wada-hadalkii lala sii wadi karo, markaa xidhiidhka aanu la lahayn waxa uu ahaa xidhiidh war-isgaadhsiineed, waliba aniga iyo xubno aan ku jiraa waxaanu la lahayn xidhiidh war-isgaadhsiineed, waxaanuna ka taxadiraynay ciddee ayaan wada hadalkii lala sii wadi Karin iyo ciddii lala sii waddi karayo” ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office 
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *