Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland, ayaa markii u horaysay si cad u sheegtay inay cafis u fidinayaan saraakiisha Al-shabaab iyo dhalinyarada ka tirsan kooxdaa ee ka dagaalama Somalia, isla markaana ay ehelkooda kala xidhiidhayayaan haddii ay ka waantoobaan fekerka ay qaateen.

Sidaana waxa sheegay Wasiirka Arrimaha Guduha Somalialnd Maxamed Nuur Carraale Duur oo la weydiiyay mawqifkooda ku aadan Al-shabaab,   wuxuuna  sheegay in dhalinyarada Somaliland ka soo jeeda ay cafis u fidinayaan haddii ay ka waan-toobayaan fikirkii khaldanaa ee ay qaateen, wuxuuna isagoo su’aal la xidhiidha arrintaa oo laga weydiiyay Telefiishanka Madaxa-banaan ee HCTV,  yidhi,  “Waxaynu ugu baaqaynaa xubnihii dhalinyaradda ahaa ee fikirkaasi khaldan qaatay ee dagaalada Al-shabaab ka qeyb galay, haddii ay ka waan-toobayaan oo ay taasi ehelkoodii kala xidhiidhayaan oo ay nolasha si daganaan ah u joogayaan. Waxaanu u fidinaynaa cafis, waayo bini’aadamka oo dhami wuu khaldamaa. Haddii ay noloshoodii dib u bilaabayaan dhalinyaradeenii Somaliland ka tagay waxaynu ogol nahay inaynu soo dhawayno haddii ay ka waan-toobaayaan.”
Dhawaaqa wasiirka ayaa kusoo beegmay xili inta badan ay ka baxeen kooxda Al-shabaab magaalooyinka ay gacanta ku hayeen ee koonfurta Somalia, iyadoo ay maalmihii u danbeeyay Ciiddamadda  AMISOM, kuwa Kenya, Ethiopia iyo kuwa dawlada Somalia qorshaynayeen inay qabsadaan magaalada Kismaanyo oo ah magaalada keliya ee ay gacanta ku hayaan Al-shabaab, taas oo hada la hareereeyay, isla markaana duqayn dhinaca cirka ah lagu sameeyay, iyadoo maraakiib ku sugan xeebta duleedka Kismaanyo la beegsadeen duqayn, balse Al-shabaab ay  difaacanayaan weli  Kismaayo oo ah Isha keliya ee ay Dhaqaalaha ugu xooggan ay ka helaan.

Hase yeeshee duqayntaa oo sababtay inay dad shacab ahi ku dhintaan waxa canbaareeyay dawlada Britain oo sheegtay in la joojiyo duqaynta Kismaanyo ee ay wadaan ciidamada Kenya iyo kuwa huwanta, balse waxa jira weeraro ay kusoo durkayaan magaalada ciidamadaa oo ay kooxda Al-shabaab difaacayso, waxayna taa bedelkeeda bilaabeen Al-shabaab inay weeraro is qarxin ah ka bilaabaan muqdisho oo mudooyinkii u danbaysay deganayd, taas oo walaac ku abuurtay bulshada, isla markaana cabsi ku keentay dadka shacabka ah oo dareemayay deganaansho iyo xasilooni.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office 
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *