Berbera(ANN)Faysal Cumar Mushteeg oo ahaa fanaan caan ah oo si weyn looga yaqaanay geriyaga Soomaalida, isla markaana ahaa macalin kasoo qaybqaatay bilawgii  tacliinta iyo  waxbarashada Somaliland ayaa caawa ku geeriyooday magaalada berbera oo maanta  la geeyay si loogu qaado dhakhtar dibadeed. kadib


markii uu mudo dhawr bilood ah xanuunsanayay. sida ay shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelada fannaanka.
Allah haw naxariistee Marxuum Faysal Cumar Mushteeg waxa mudooyinkii u danbeeyay lasoo dersay xaalad caafimaad-daro, waxaana horaantii August 2012 la dhigay cusbitaalka guud ee Hargeysa, balse maanta ayaa dhinaca magaalada Berbera loo qaaday si loogu diro dhakhtar debedeed, iyadoo dhinaca kalena la doonayay inuu ka mid noqdo fannaaniin, abwaano iyo suugaanyahano booqasho ugu socday dalka Britain. laakiin marxuumka oo xaaladiisa caafimaad kasoo daraysay, waxa qorshuhu ahaa inay ka dhoofaan madaarka Berbera, balse waxa uu geeriyooday intii aanay fuulin diyaaradii ay raaci lahaayeen isaga kooxda ay booqashadaa ku wada qornaayeen, waxaana maydkiisa loo soo qaaday dhinaca magaalada Hargeysa. 
Marxuumka oo ka mid ahaa fannaaniinta sida weyn heesohooda looga dhegeysto geyiga dhulka Soomaalidu degto, isla markaana ahaa macalin meelo badan kasoo shaqeeyay oo door ku lahaa tacliinta iyo waxbarshada Somaliland, wuxuu caan ku ahaa heesaha qaaciga, wuxuuna lahaa cod gaara oo xabeeb ah, kaas oo dad badani xiiseeyaan.
Alla haw naxariistee Marxuum Faysal Cumar Mushteeg oo maydkiisa caawa loo qaaday dhinaca magaalada Hargeysa, waxa la aasi doonaa maalinta beri ee Jimcaha ah. 
Inaa Lilaah Wa Inaa Ilayhu Raajiciin

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *