Hargeysa(ANN) Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday Caawa in wada hadaladii hore ugu bilaabmay Somaliland iyo Soomaaliya mar kale dib uga furmayaan

 

dalka Turkiga muddo laba todobaad gudahood ah.

Sidaana waxa warbaahinta u sheegay Wasiirka Arrimaha Debeda iyo Iskaadhiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed C/llaahi Cumar oo warbaahinta kula hadlay Caawa Madaxtooyada Somaliland.
Wasiirka Arrimaha dibaddu waxa uu sheegay inay marti-qaad rasmi ah ka heleen dawlada Turkiga,  isla markaana ay ka qeyb geli doonaan wada hadaladaa oo uu sheegay  inay yihiin qaar waxtar u yeelan doona qaranimada Somaliland, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Waxaan doonayaa inaan halkan ka cadeeyo in dawladda Turkiga oo la saaxiib ah labada dawladood ee Somaliland iyo Soomaaliyaba iskaashi iyo xidhiidhna la leh labada geesoodba inay ku marti-qaaday labada dal inay dib u bilaabaan wada hadaladii hore u dhex-maray,  labada geesood-na arrintaa way soo dhaweeyeen, Waxaan markaa qaadanay in labada dawladood ay muddo aan ka badnayn laba todobaad gudahood aanu ku wada hadalno dalka Turkiga, si loo sii ambo-qaado arrimihii berigii hore wada hadalka laga yeeshay.” ayuu yidhi Dr. Maxamed C/llaahi.

 

“Waxaan markaa jecel nahay inaanu shacbiga Somaliland iyo beesha caalamka ee kaleba sidaasi ku war-gelino in aanu dal ahaan annagu marti-qaadka Turkiga aqbalnay oo aanu jecel nahay in wada hadalkii hore u bilaabmay la sii wado, si aanu himilada qarankani leeyahay aanu u gaadhi karno,”ayuu yidhi.

Wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland oo hadlaya bilawgii wada hadalada iyo siday ku yimaadeen, wuxuu yidhi,  “Sida laga war-qabo Beesha caalamku waxay ku baaqday sanadkii hore in labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya ay wada hadlaan oo ka wada hadlaan mustaqbalkooda siyaasiga ah iyo iskaashiga labada dal dhex mari kara. Intaasi ka dib waxa labada dal bishii June ee sanadkii hore ay ku yeesheen Ingiriiska wada hadalkii ugu horeeyay muddo 21 sanadood ah, waxaanay ku heshiiyeen in qaabka loo wada hadlayaa ay noqoto qaab laba geesood ah, Somaliland oo dhinac ah iyo Soomaaliya oo dhinaca kale ah. Waxa ku xigay wada hadalo ay magaalada Dubia ee dalka Imaaraadka ku yeesheen madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, waxaanay isku raaceen in la sii ambo-qaado wada hadalada bilowga ah.” Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa hore u sheegtay inaanay ka qeyb gali doonin shirka London lagu qabanayo bisha May ee fooda inagu soo haysa, taas oo Madaxweyne Siilaanyo ku celiyay shalay mar kale, waxayna Xukuumadda Somaliland ku tilmaantay shirkaa  inuu yahay mid aan wax dan ahi  ugu jirin Somaliland, balse uu yahay shir caalamka kaalmo iyo taageero dhaqaale loogu waydiinayo dawladda Soomaaliya.

Hase yeeshee waxa marar badan laysku khaldayay shirka ay xukuumadda Somaliland diiday ee dawlada Britain wado oo  lagaga hadlayo sidii taageero loogu fidin lahaa Hay’addaha dawlada Somalia  iyo wadada hadaladii bilawga ahaa ee Somaliland iyo Somalia, kuwaas  oo  Feb 23 2012, shirkii Beesha Caalamka ee lagu go’aamiyay lagu sheegay in wada hadalada danbe iyo kulamada labada dhinac lagu qaban doono Dalalka IMaaraadka, Qadar ama Turkiga, balse  sanadkii hore 28 Jun 2012 , dalka Magaalada Dubai ee Imaaraadka Carabta lagu qabtay kulan Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynihii hore ee Somalia ku yeesheen, kaas oo loo bixiyay Dubai Statement. Isla markaana ujeedadiisu ahad in lasii wado wadahadalada labada dhinac marka ay timaado dawlada cusub ee waqtigaa loo waday Somalia ee Baarlamaanku soo doortay, taas oo uu hogaamiyo Hasan Sheekh Maxamuud oo dhinaciisa marar badan sheegay inay sii wadayaan wadahadaladii labada dhinac ee Somalia Iyo Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *