Hargeysa (ANN) Shir aan caadi ahayn oo Golaha Dhexe ee xisbul xaakimka talada haya ee KULMIYE ku qabsaday shalay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, marka

 

laga yimaado qodobada ajandaha u ahaa ee ujeeddada qabashadiisu la xidhiidhay waxa ka soo if baxay dhacdooyin xiiso badan leh oo saamayntooda laga dareemay madasha uu ka socday.

Shirka oo socday waqti aad u kooban oo laba saacadood oo keliya lagu ansixiyey laba qodob oo kala ah dib-u-dhigista iyo qabashada shirweynaha saddexaad ee xisbiga oo loo muddeeyey 25-ka bisha December ee sannadkan 2013 iyo heshiisyadii KULMIYE la galay qaar ka mid ah ururradii siyaasadda ee ku hadhay doorashadii golayaasha degaanka iyo weliba qayb ka mid ah xisbigii burburay ee UDUB, kuwaas oo xubnaha Golaha Dhexe ee xisbigu si duuduub ah ugu codeeyeen ogolaanshahooda.

Haseyeeshee, waxa kale oo shirka hadheeyey arrimo si weyn looga dareemay oo isugu jiray kuwo u muuqday inay ku yimaadeen ku-talogal loo badheedhay iyo qaar si kedis ah ama lama filaan ah sida fulkaanaha uga dhex qarxay oo dhammaantood salka ku hayey tartanka siyaasadeed ee u dhexeeya Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ku hirdamaya guddoomiyenimada xisbiga ee sannadaha soo socda, balse aan tartankooda lagu kala saarayn shirkan ee sugaya shirweynaha loo cayimay dabaqaayada sannadkan aynu ku jirno.

Haddaba, dhacdooyinkaasi xiisaha leh ee ku gedaamnaa shirka Golaha Dhexe ee KULMIYE iyo qaabkii ay u dhaceen waxa warbixinta ka diyaariyey Weriye; Cali Jaamac Maxamed oo Wargeyska Jamhuuriya uga qaybgalay shirkaasi:

Ø  Meel kaga dhacii Samaale ee hab-maamuuska shirka iyo Tartankiisa KULMIYE oo ku soo ururay isgarabtaaga Madaxweynaha

Goobtu waa huteelka Maansoor, gaar ahaan dhismaha qiyaastii ugu wayn goobaha hoolalka shirarka lagu qabto ee dalka oo ku yaal barxad dhinaca bari ee huteelka ah, halkaas oo si wayn loo adkeeyey ammaanka oo ciidammo fara badani dhawr goobood ku baadhayeen dadka qalab kala duwan iyo gacmahoodaba. Gudaha hoolka ee ujeeddada loo socday ahayd inuu ka qabsoomo shirka Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE waxa loo nidaamiyey hab-maamuus (protocol) loo shaxeeyey kuraasta loogu talogalay inay ku fadhiistaan madaxda, ergooyinka iyo marti sharafta shirk aka qaybgalaysay. Tusaale ahaan; wajahadda hore ee shirka laga hagayey oo ah kaabad dhul ahaan ka yar sarreeya qaybta kale ee hoolka oo la dhigay kuraas waaweyn oo ka duwan kuwa kale ee madasha yaalay, lana hordhigay miis dheer oo lagu goglay calanka xisbiga waxa loo asteeyey oo keliya inay fadhiistaan Madaxweynaha, Madaxweyne-ku-xigeenka, hoggaanka sare ee xisbiga, xubnaha madaxda golaha dhexe iyo Shirguddoonka Golaha Wakiillada ee xisbiga ka tirsan. Sidoo kalena waxa meelo kala gaar ah loo qoondeeyey inay fadhiistaan ergada golaha dhexe iyo marti sharafta shirka ka qaybgashay.

Shirku wuxuu qadar laba saacadood ah dib uga dhacay xilligii loogu talogalay inuu furmo, maadaama la sugayey Madaxweyne Siilaanyo oo ka qaybgalay aaska xildhibaan Aadan Sanwayne oo ku geeriyooday daad baabuur uu la socday ku qaaday Berbera iyo Hargeysa dhexdooda, waxaannu madasha shirka soo gaadhay Abbaaro 11:00, kadibna Madaxweynaha iyo masuuliyiin wehelinaysay oo uu ka mid yahay Wasiirka Maaliyadda Md. Samaale oo isagu la socday gaadhi gaarka ah ee Madaxweynuhu saarnaa, ayaa toos u galay qaybta hore ee hoolka oo ay ka bartilmaameedsadeen mashada shirguddoonka shirka ee Madaxweynaha iyo madaxda KULMIYE loogu talogalay oo ay hore u sii fadhiyeen Madaxweyne-ku-xigeenka iyo xubno ka mid ah hoggaanka sare, basle daadiyaha maykarafoonka oo ahaa Xoghayaha Golaha Dhexe Mr. Mustafe Waxdad, ayaa ku wargeliyey masuuliyiinta la socday Madaxweynaha la socday in halkaasi loogu talogalay oo keliya inay fadhiistaan Madaxweynaha, ku-xigeenka iyo hoggaanka sare, isla markaana dhammaan xubnaha la socdaa fadhiistaan goobta loo asteeyey ergooyinka golaha dhexe.

Baaqaas ayey u hoggaansameen wasiirradii iyo saraakiishii Madaxweynaha la socday oo ka mid yihiin wasiirrada lagu tilmaamo inay ugu awood badan yihiin xukuumadda ee aan inta badan laga agwaayin Madaxweynaha sida Wasiirrada Madaxtooyada iyo Arrimaha Dibadda – Mr. Xisri Cali Xaaji Xasan iyo Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo labadooduba ka soo dhexjeestay ergooyinka golaha dhexe.

Haseyeeshee, ilaalinta hab-maamuuska waxa meel kaga dhacay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo si lama filaan ah uga horyimi inuu u hoggaansamo hannaanka madasha loo fadhiyey, waxaanna mar keliya indhaha dadweynuhu qabteen Wasiir Samaale oo kelidii dultaagan Madaxweynaha, Madaxweyne-ku-xigeenka iyo masuuliyiinta sare ee xisbiga kadib markii uu waayey kursi uu ku fadhiisto maadaama ay buuxsameen kuraastii goobta yaalay oo tiro lagu dhigay. Arrintaasi waxay keenay in daadiyaha cod-baahiyaha shirku uu ilaa saddex jeer ku celceliyo inuu yidhaa ‘dhammaan wasiirradu ha fadhiistaan goobta loogu talogalay ee golaha dhexe,’ hase ahaatee Md. Samaale si cad ayuu ikaga dhegmariyey codsigaasi, taasina waxay keentay in qadar daqiiqado ah kadib kursi yar looga soo qaado halka ay fadhiyeen xubnaha golaha dhexe oo uu ku barbar-fadhiistay Madaxweyne-ku-xigeenka oo dhinaca midig ka xigay Madaxweynaha.

Dhacdadan ayaa noqotay mid ay ku anfariireen dadweynihii ergooyinka iyo marti sharafta isugu jiray oo qaarkood intay haysan kariwaayeen kuwa ku xiga si hoose u waydiiyey sababta wasiirka halkaa ugu adkaystay inuu fadhiisto, waxaanna laga wadiwaayey in Md. Samaale u haysto tartanka hoggaaminta KULMIYE isgarab-taagga Madaxweynaha ee aanay jirin wax kale oo uga hooseeyaaba.

Ø  Sacabkii aan kala joogsiga lahayn ee madasha iyo hambalyadii Madaxweynuhu dusha ka saaray Muuse Biixi oo farriin u diray ragga la tartamaya

Kadib markii ergooyinka golaha dhexe ansixiyeen labada qodob ee la soo hordhigay, waxa mimberka hadallada laga jeedinayey looga yeedhay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi si uu uga khudbadeeyo, waxase markii magaciisa lagu dhawaaqayba madasha shirka isqabsaday sacab aad u badan oo ay tumayeen ka qaybgalayaasha oo qaarkood la sarajoogsadeen, kaas oo guddoomiyaha ku khasbay inuu in muddo ah sugo bilowga hadalkiisa. Sidoo kale, sacabka loo tumayey Muuse oo u muuqday mid taageero ah waxa uu ahaa mid iska dabadhacayey marka uu qadar kooban khudbadiisa wado.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo shirkaasi khudbad ku soo khatimay ayaa hadalkiisa ku bilaamay ammaan iyo hambalyo aad culus oo uu u diray Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi, “Waxaan aad iyo aad u hambalyeynayaa Guddoomiyaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi oo halkan (shirka) hadallo aad iyo aad u wanaagsan iyo khudbad fiican ka soo jeediyey oo aynu dhammaanteen ku wada diirsanay, Muuse waxaan leeyahay hambalyo hambalyo hambalyo,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Labadaas arrimood ee sacabka dadweynaha iyo hambalyada Madaxweynaha ee Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa la rumaystay inay yihiin farriin cad u yihiin siyaasiyiinta tartanka guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE kula jira.

Ø  Natiijada shirka oo ahaa mid laga soo shaqeeyey oo faan midnimo keenay + waxyaabaha la isku qaban karaayey oo dib loo dhigtay

Arrimaha laga tilmaami karo inay ka dhex muuqdeen shirka Golaha Dhexe ee KULMIYE waxa ka mid ahaa in natiijada uu ku dhammaaday oo ahayd jewi degan oo bilaa buuq ah laga dareemayey in laga soo shaqeeyey oo qodobada lagu ansixiyey iyo weliba hab-socodkiisu ahaayeen qaar dibadda lagu soo xaliyey. Sidoo kale, wax kasta oo la isku qaban karaayey, isla markaana keeni lahaa in aan shirku bilaa buuq ku dhammaanin waxa loo dhigtay dib iyo in lala tago shirweynaha xisbiga.

Tallaabadani waxay keentay in si isku mid ah masuuliyiinta xisbiga oo uu u horreeyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo, Guddoomiyaha xisbiga Muuse Biixi iyo weliba Guddoomiyaha Golaha Dhexe Mr. Jaamac Shabeel oo iyagu shirka hadlay ay si isku mid ah ugu faanaan in xisbiga KULMIYE yahay mid gaamuray oo inta uu dhexdiisa ka doodo haddana isagu marwlaba xallista wixii dhexyimaada ama lagu kala aragti duwanaado.
Weriye; Cali Jaamac Maxamed – Jamhuuriya
Email: ajaamac1@gmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *