Muqdisho(ANN)Xafiiska ugu weyne ee Shirkadda Dahabshiil ku leedahay Magaalada Muqdisho ayaa la qarxiyay  caawa, waxaana ku dhaawacmay  ilaa inta la ogyahay

laba qof sida ay sheegeen Saraakiisha Booliska Somalia ee magaalada Muqdisho oo goobta yimi qaraxa ka dib.

 

Ilaa hada si cad looma ogga khasaaraha uu geystay qaraxaasi iyo cidda ka danbaysay, balse qaraxa ayaa sababay in Albaabadii Dhismayaashu soo daataan, wuxuuna kusoo beegmay kadib markii Xarakada Al-shabaab eek a tirsan Ururweynaha Al-qaida gebi ahaanba albaabada u  laabeen xafiisyadii ay shirkadda Xawaaladda Dahabshiil ku lahayd meelaha ay maamulaaan ka tirsan Bay, Bakool  iyo Hiiraan, kuwaas oo ay amar ku bixiyeen in albaabada loo laabo ilaa amar danbe.

Ma jiro war ay shirkadda Dahabshiil kasoo saartay dhacdooyinka qaraxa iyo amarka Al-shabaab xafiisyadeeda kaga joojisay dhaqada,  sidoo kale sababha Al-shabaab ay u xidhay xafiisyadaa ayaan si cad loo shaacin, balse warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa qortay in shirkadda Dahabshiil ay deegaanadaa ka bilawday shaqooyin iyo adeegyo ay qaban jireen Hay’addaha Qaramada Midoobay.
Shirkadda Dahabshiil oo ah ta ugu weyn Xawaaladdaha Soomaalida, isla markaana qabata Adeegyada Baanka  ayaa sumacad weyn ku leh bulshada Soomaalida iyo dunida kaleba, waxayna marar badan ka qayb qaadataa taakulaynta iyo daryeelka bulshada Soomaalida ee deegaanada dhulka Soomaalida oo dhan, iyadoo todobaadkan ka mid noqotay 16 shirkadood oo kuwa bulshada Islaamka Britain ka qayb qaatay horumarkooda, taas oo ay ku qaadatay Abaalmarin , wuxuu weerarkani noqonayaa kii ugu weynaa ee lagu qaado.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *