images/stories/dr. m. abdi gabose.pngHargeysa (ANN) xukuumdda Somaliland ayaa sheegtay inay ciiddamo ku hareeraysan yihiin koox hub iyo saanad kala degey deegaanka xeebta Seylac maalmihii u danbeeyay, kuwaas oo waqtigan buuraleyda Deegaanka u dhexeeya Saylac iyo Lughaya ku sugan. Sidaana  waxa maanta shaaca ka qaaday Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland,

Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, isagoo u waramayay Idaacada BBC qaybteeda Afka Soomaaliga.
Dr. Gaboose waxa  uu sheegay in dadka deegaanku ay arkeen baabuur ilaa saddex gaadhaysa oo ciidan ka soo qaaday dhinaca xeebta, kadibna ku daadiyay dhul u dhaw Buuraleyda Maarmaar, halkaas  sida uu sheegay inay galeen kooxdaa hubaysani.
Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Dr.  Gaboose  ayaa sheegay in ciidamada Somaliland  ay haatan ku  hareereysan yihiin dhulka Buuraleyda xadka u dhexeeya Somaliland , Ethiopia iyo Jabuuti. Iyadoo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 200 (Laba boqol) oo Nin.
Dr. Gaboose waxa  uu sheegay inay xukuumada Somaliland  heshay  hub iyo waraaqo, kuwaas oo sida uu sheegay ay ka tageen kooxdaasi. Sidoo kale waxa uu  xusay inay kooxdaasi warqadii ay kaga  tageen  halkaa oo  ay ku qornaayeen Af Soomaali iyo af Amxaari, laakiin aanu xaqiijin karin cidda ay u malaynayaan, ilaa baadhitaan lagu sameeyo.
Dhinaca kale waxa  jira warar sheegaya in ciidamadaasi ay ka tirsan yihiin jabhadda ONLF ee la dagaalanta dowladda Ethiopia, taas oo qayb ka mid ahi dhowaan heshiis la gashay xukuumada Ethiopia, iyadoo ay jireen warar sheegayay inay doonyaha ay la socdeen kooxdaasi ay isku maandhaafeen masuuliyiinta  u sareeya ee ciidamadda Illaalada xeebaha ee deegaankaa iyo sarkaalka u sareeya ciidamadda qaranka ee Deegaankaa.
Iyadoo dad ku sugan deegaanka xeebta galbeedka Somaliland ay maanta u sheegeen shebekada wararka ee Araweelonews inay Xukuumada Somaliland ciidamadda dheeraada u dirtay halkaa, si ay gacanta ugu dhigaan kooxdaa. Si kastaba ha ahaatee maaha markii u horaysay ee farta lagu fiiqo inay deegaanka xeebaha Lugahaye iyo Seylac lagu sheego in hub laga dejiyay. Laakiin ciidamo sidan oo kale ah oo laga soo sheego inay deegaankaa ka degeen waa markii u horaysay ee sheekada hubka iyo ciidamadda intaa leegi ka degaan xeebaha Saylac iyo Lughaya.  
Wixii kasoo kordha kala soco shebekada wararka ee Araweelonews.com
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *