Hargeysa(ANN)Taliyaha ciidanka Qaranka ee fadhiisinkoodu yahay Saylac Cabdi Xudhuun iyo Taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha Magaalada Saylac Cabdi Qayre, ayaa muran weyni soo kala dhex galay,  ka dib markii laba doonyood oo la sheegay inay qalab milatari sideen ay ku soo xidheen xeebta deegaanka Seylac.

Murankan labada taliye ayaa yimid ka dib markii doonyahan oo la sheegay inay sideen qalab milatari oo aan la sheegin nooca uu ahaa si qarsoodi ah gawaadhi loogaga daad guryeeyey iyadda oo aanay ogayn ciidamada ilaalilada xeebaha iyo kuwa Milatariga ah labaduba.
Sida Shabakada Wararka ee Berberanews.com u sheegay Wariye Madax-banaan oo jooga Magaalada Saylac, labada ciidan ayaa ogaaday in qalabkii ay sideen labadaa doonyood loo raray dhanka dalka Itoobiya oo ay xidhiidh dhow leeyihiin Somaliland, sidaas daraadeedna taliyaha ciidanka Milatariga ayaa sida la sheegay ku doodaya in ilaalida xeebaha ay u xilsaaran yihiin ciidanka ilaaliada xeebaha, sidaas daradeed masuuliyadda dhibaatada amni daro ee ka timaada qalabka ay sideen doonyahaasi uu ka masuul yahay ciidanka ilaalida xeebaha Gobolka Salal oo uu taliye u yahay Cabdi Qayre.
Wararka ayaa intaa ku daraya in gawaadhida labada doonyood lagaga daad-gureeyay qalabka ay sideen ay u kolonyeysteen deegaano dhanka galbeed ka xiga gobolka Salal, halkaana ay ku dajiyeen qalabkii ay sideen.
Ilaa hadda war rasmi ah lagama hayo halka ay ka yimaadeen doonyahan ku soo xidhay xeebta Gobolka Salal iyo cidda ay u wadeen qalabka la sheegay inay sideen.
Xigasho Berberanews.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *