Hargeysa(ANN) “Berigii hore waxaan ka seexan waayo waan ka gabyi jiray, hadase waxaan u yeedhaa saxaafada oo aan mariyaa”. Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland

{saudioplayer}audio11.mp3{/saudioplayer}

oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, wuxuuna si weyn u difaacay  go’aanka Golaha guurtidu mudada ugu kordhiyay golayaasha deegaanka iyo Wakiilada, isla markaana ay iyaguna mudada xilkooda kordhisteen todobaadkii hore.
 
Xildhibaan Dheeg waxa uu sheegay in go’aanka Guurtidu yahay go’aan adag oo ka soo baxay Gole midaysan sidaas daradeed aanay marnaba caqli-gal ahayn in dib looga noqdo ama laga wada hadlaba, maadaama oo Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) buu yidhi na yidhi go’aan ka gaadha wakhtiga ugu haboon ee dalka doorasho kaga dhici karto.
Wuxuuna isagoo arrimahaa ka hadalaya yidhi, “waxa miidhiyaha la geliyay way ku deg degeen, waxanu haysanay qoraalka Madaxweynuhu noo soo qoray qoraalka 1 Sep, 2010, waxaanu haysanay todoba maalmood, markaa maaha go,aan lagu deg degay oo mudadaa waanu ka doodaynay oo waxanu isku haynay Afar sanadood iyo laba sanadood, markii danbena shir gudoonka ayaa na dhexdhexaadiyay, madaxweynuhuna wuxuu yidhi, “way deg degeen”. Ma jiro qodob keliya oo dastuurka sheegaya inaanu cid kala tashano, ama mudada intaa ka dhigno.  Madaxweynuhu intii uu mucaaridka la ahaa oo uu UDUB-na ku darsaday oo shuraako ah ayaa anaga na leh baadil ayaa xukunteen.”

 Xildhibaan dheeg wuxuu sheegay inay dhowaan golaha guurtidu qabanayaan shir, kaas oo ay kaga doodayaan mudada, taas   oo sida uu sheegay haddii ay dastuurka iyo sharciga ku gefaan guurti ahaan ay ka bixinayaan raali gelin.
 
Md Maxamed Maxamuud Yaasiin, waxa uu sheegay in go’aanka guurtida oo laga noqdaa la mid tahay iyadda oo la yidhaahdo doorashadii Madaxwayne Axmed Siilaanyo lagu doortay halagu noqdo “Go’aanka Guurtida oo laga noqdaa waa iyadda oo la yidhaahdo doorashadii Madaxwayne Siilaanyo lagu doortay halagu noqdo.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo ka jawaab  celinaya hadal ka soo yeedhay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Guurtida oo sheegay in in khilaafka la xalin doono “Sheekh Axmed sheekh Furre waa iska hadlow ina Igarre”
 
Xildhibaan Dheeg waxa uu sheegay inuu wado olole uu shir isugu keenayo guud ahaan mudanayaasha Guurtida si ay uga wada hadlaan fargalinta Komiishanka doorashooyinku ku soo sameeyay muddo kordhinta ay u sameeyeen golayaasha deegaanka iyo wakiilada.
 
Xidhibaan Maxamed Maxamuud, waxa kale oo uu ka hadlay dhawaaqa Madaxwayne Axmed Siilaanyo ee odhanaya “Hala iskaga yimaada go’aanka Guurtidu gaadhay” waxaanu tilmaamay in aanu filayn in Madaxwaynaha dalku kaga daba yimaado go’aanka uu isagu amarkiisa lahaa “Muddo aanu kordhinay cidna maalin dib uma soo celin karto saacadna kuma dari karto” ayuu yidhi.
 waxaanu intaa ku daray “xukuumada haddu waxay ahayd in horta muxaafidnimada bartaan, waa markii ugu horeysay ee shir-jaraa’id ee Guurtidu qabato laga soo dayn waayo telefiishanka qaranka.” Ayuu yidhi.
Xildhibaan dheeg oo la weydiiyay qodobka aasaaska u ah dastuurka ee sheegay wada tashiga ay Somaliland ku dhisantahay, balse wuxuu ku dooday in aan taas loo baahnayn oo ay tahay mid shuraako kala dhigaysa  wixii ay awood u lahaayeen.
Xildhibaan Dheeg wuxuu ka mid ahaa mudanayaal si weyn u difaaci jiray khalad iyo saxba xukuumadii Madaxweyne Rayaale, isagoo xiligii ay maamulkii Rayaale isku dayday in albaabada loo laabay golaha wakiilada uu si weyn u difaacay talaabadii la doonayay in lagu xidho golaha wakiilada, taas oo xiligaa keentay gedood shaci iyo mudaharaado rabshada watay oo ay ku nafwaayeen dhalinayaro ka mid ah dadkii kacdoonka ay ku diidan yihiin talaabadaa ka sameeyay magaalada Hargeysa.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *