images/stories/dr. m. abdi gabose.pngHargeysa (ANN) xukuumdda Somaliland ayaa sheegtay inay ciiddamo ku hareeraysan yihiin koox hub iyo saanad kala degey deegaanka xeebta Seylac maalmihii u danbeeyay, kuwaas oo waqtigan buuraleyda Deegaanka u dhexeeya Saylac iyo Lughaya ku sugan. Sidaana waxa maanta shaaca ka qaaday Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland,
Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, isagoo u waramayay Idaacada BBC qaybteeda Afka Soomaaliga.
Dr. Gaboose waxa uu sheegay in dadka deegaanku ay arkeen baabuur ilaa saddex gaadhaysa oo ciidan ka soo qaaday dhinaca xeebta, kadibna ku daadiyay dhul u dhaw Buuraleyda Maarmaar, halkaas sida uu sheegay inay galeen kooxdaa hubaysani.
Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Dr. Gaboose ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay haatan ku hareereysan yihiin dhulka Buuraleyda xadka u dhexeeya Somaliland , Ethiopia iyo Jabuuti. Iyadoo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 200 (Laba boqol) oo Nin.
Dr. Gaboose waxa uu sheegay inay xukuumada Somaliland heshay hub iyo waraaqo, kuwaas oo sida uu sheegay ay ka tageen kooxdaasi. Sidoo kale waxa uu xusay inay kooxdaasi warqadii ay kaga tageen halkaa oo ay ku qornaayeen Af Soomaali iyo af Amxaari, laakiin aanu xaqiijin karin cidda ay u malaynayaan, ilaa baadhitaan lagu sameeyo.
Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya in ciidamadaasi ay ka tirsan yihiin jabhadda ONLF ee la dagaalanta dowladda Ethiopia, taas oo qayb ka mid ahi dhowaan heshiis la gashay xukuumada Ethiopia, iyadoo ay jireen warar sheegayay inay doonyaha ay la socdeen kooxdaasi ay isku maandhaafeen masuuliyiinta u sareeya ee ciidamadda Illaalada xeebaha ee deegaankaa iyo sarkaalka u sareeya ciidamadda qaranka ee Deegaankaa.
Iyadoo dad ku sugan deegaanka xeebta galbeedka Somaliland ay maanta u sheegeen shebekada wararka ee Araweelonews inay Xukuumada Somaliland ciidamadda dheeraada u dirtay halkaa, si ay gacanta ugu dhigaan kooxdaa. Si kastaba ha ahaatee maaha markii u horaysay ee farta lagu fiiqo inay deegaanka xeebaha Lugahaye iyo Seylac lagu sheego in hub laga dejiyay. Laakiin ciidamo sidan oo kale ah oo laga soo sheego inay deegaankaa ka degeen waa markii u horaysay ee sheekada hubka iyo ciidamadda intaa leegi ka degaan xeebaha Saylac iyo Lughaya.
Wixii kasoo kordha kala soco shebekada wararka ee Araweelonews.com
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380